Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Ballan Oofintu Waaba Munaafaqa Iyo Mu'minka Waxa Lagu Kala Garto .. Qiiso Boqorki Ballanta Oofin Waayey Iyo Wixii Dhacay

Tuesday - June 13, 2023




Zaman Hore iyo Wixii Jiray .. Boqor ku maqnaa Safar ayaa ku soo laabtay xaruntiisi Boqortooyada habeen ay dhaxan darani dhaceyso, iridda ayuu kula kulmay nin illaalo ah oo da'weyn .. dhaxantaas dhaceysana isagu direyskiisii fududaa buu sitay oo dhaxan ayuu la jareynaayey .. boqorkii ayaa intu ku soo dhawaaday ayuu ku yiri "Miyaadan Dhaxanta Dareemeyn" ..  illaaliyihii ayaa yiri "Haa Boqorow Waan Dareemaya Qabowga laakiin ma heysto Dhar aan dareys-keygaan aheyn, sidaa daraadeed inaan u dulqaato wax aan aheyna garan-maayo"

Boqorkii ayaa ku yiri Qasriga ayaan galayaa waxana aan illaaladeyda midkood kuugu soo dhiibayaa Dhar aad dhaxanta ka huwato, isla markii uu boqorku qasrigiisi uu madaxa la galayba Maankiisa arinki wuu ka baxay oo wuu ilaaway.

Subax-nimadi waxa la helay illaaliyihii oo Meyd ah oo ay aktaalo Warqad uu u qoray sidatan "Boqorow Habeen Kasta Qabowgaas Samir iyo Dulqaad Ayaan Ku Xamilaayey, Balse Balankii Aad iga Qaaday Dhar Aan Huwado inaad ii Soo Dhiibeyso oon Ku Diirsanayo Ayaa iga Xayuubiyay awoodeydii oo i dilay ee sidaas ula soco
---------------------------------------------------
Akhristow, haddii aad wax ballan qaado oofi, waayo ma garan-kartid cidaas aad ballanka u qaaday Riyooyinka ay dhisanayaan iyaga oo ballankaas qorshe iyo wax la mida ku saleynaya .. Laga yaabaa ballan aad daneyneyn balse wax kurbo ah kugu haynin inuu galaafan karo qof dhan noloshiisa, matalan
Gabadha aad u ballan qaaday guurku uma noolaaneyso sidii daganeyd ee ay u nooleyd ballankaaga hortii.

Sido kale, Ninka shaqo la'aanta ah Aad u balan qaaday shaqo, shaqa la'aantiisii uguma sii jiri karo sidii uu hore ugu uur-samaa .. Hoojinta iyo Ballan ka buxu aad ayey u xanuun badan yihiin, maxaa yeelay Dadku ballamaha ayey ku dhistaan Riyooyin dhan  .. Markey Riyooyin-kaas midood dhuntana amase waayaan noloshooda qeyb dhan ayaa dumeysa.