Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Kororso Aqoontaada .. Macluumaad Dadka Bar Aysan Ogeyn ..Talking To Yourself Is Normal

Thursday - June 22, 2023



Isla-hadalka ama Isla-sheekeysiga (Self-talk) waa arrin aad u badan oo lagu arko dad kala duwan, waxaana la rumaysan yahay in isla hadalku uu saamayn ku yeelan karo kalsoonida qofka, taas oo noqon karto mid fiican (Positive) ama mid xun "negative".

Isla-hadalku ma ahan cillad Dhimir ama Waalli sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, laakiin waa muhiim in qofka uu ogaado isla-hadalkiisu nooca uu yahay, waxa uu badanaa ka hadlo, ujeedada isla-hadalkuna waa inuu noqdaa mid qofka farxad galinayo, rajo ku abuuraya, ama niyada u dajinayo ama culeys iskaga qaadayo, waana inuusan noqon mid canaan ah oo kalsooni darro iyo caro laga qaadayo.

Tusaale: Dharkaan way igu qurxan yihiin .. Imtixaanka waan ku baasi-doonaa .. arrimahaygu way hagaagi doonaan, hasa-ahaate Isla-hadalka khasaarada leh (Negative self-talk) Wuxuu qofku iskula hadlaa erayo niyad-jab, rajo xumo iyo canaan u badan.

Tusaale: "Dharkaan waan ku foolxumahay"  iyo "Qof kasta wuxuu ii maleeyaa inaan doqon ahayn" "wax ii hagaagaya ma lahan" .. Qofka dabcigaan joogteeya waxaa ku imaan kara xanaaq iyo dabci xumo .. Dadka Qaar Mabaadii’dooda Iyo Mowqifkoodu Waxa Ay Isla Beddelaan Dantooda Shakhsiga Ah!

1- Boqolkiiba 80% Dadka waxay la sheekeystaan Naftooda, way la doodaan, way la hadlaan, sidaa ha sameynin ee sidaa samee, sidaan baa Sax ah iyo Sidaan waa qalad .. waxaad moodaa in aad la hadleyso qof ku hor taagan  .. Qofka adiga Mar walba kaa xanaajiya ogow waa qof adiga kaa Maseeyra ee la hadalkiisa yare

2- Dhinaca Midigta oo loo seexdo waxaa lagu tiriyaa Hurdada Nebiyada, oo waxaa yaraaneysa fikirka badan iyo isla-hadalka badan