Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Cilmaaniyada Ama " Diin La'aanta" Waa Nidaam Ku Dhisan Garaadka Bani-aadamka iyo Garashadiisa .. Musllimiintu Xiligaan Waxay Ka Soo Tooseen Hurdadi Dheereyd Ee Ay Galan

Thursday - June 29, 2023





Madaxweynihii hore ee dalka faransiiska Mr. Chirac iyo Takhtarkiisa oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Jazaair ayaa galab kuwada shaaheen Qasriga looga taliyo dalkaas Faransiiska .. Takhtarkii reer Jazaa’ir ayaa waxa uu su’aalay madaxweynaha su'aashaan " Mudane Madaxweyne Maxay idiin dhibaysaa Gabadha Xijaabata ama Dhar Asturan Xirata" isla-markiiba waxa soo jeestay dareenkii madaxweynaha Mr. Chirac oo si aad moodo inuu jawaabtu u diyaar-tahay ku jawaabay sidaan "Digtor Saaxiib waad ogtahay sida xad-dhaafka ay Diinta islaamka u fidayso, Kontonka Sano ee soo socda waad ogtahay dalkan in islaamku tiro ahaan kaga badnaan-doono kiristanka ee markaa dhawaqan reer Yurub iyo cabaadkani waa naf ka bixii Krishtanka iyo cilmaaniyada"

Hadaba iyada oo masuulkaas sare uu sirtaas sheegay, welibana cadeeyey inaanay iska caabin Karin Islaamka fiditaankiisa iyo soo noqoshadiisa hadde waa u xaq gaaladu iney ka Qarwdo Cilmaaniyada si dhimaneysa taasina waxa inoo cadaysay maanta biriq-biriqda Gaalada Reer Yurub bulsho ahaan iyo caqiido ahaanba aad liidato, oo waxay socdaanba waxay maanta xalaashadeen in jinsiga khanisnimada lagu dhigo jaamacadaha iyo dugsiyada, isla markaana si shuruud la'aan ah loo shaqaaleeysiyo, lana yiraahdo Wiilka ama gabadha maxa lagugu yeera oo aad jeceshahay " She mise He" ? 

Haddii aan in yar ka hadlo taariikhda Islaamka waxa iska cad in Islaamku dunida u horseeday 90% horumarka aasaasiga .. Waxa uu dunida ku soo kordhiyey xeerka Qoyska, cilmiga Beeraha oo Islaamku in badan qarniyadii dhexe uu horumariyey wax-yaalaha uu dunida ku soo kordhiyey waxaa ka mida in dhirta Canbaha iyo Bariiska oo laga keenay India inuu ku abuuray Ciraaq iyo Masar, isla markaana uu soo saaray nidaamka waraabinta Dhirta (irrigation system) oo warabin kara dhul lagu qiyaasay 80KM iyo soo saaristii warshadaha Sonkorta sameeya, Dharka tola iyo nidaamyada casriga ee Beeraha sida (Crop rotation, commercial planting) iyo kuwa kale oo badan oonan halkan ku soo koobi karin.

Dhinaca suuqyada maaliyada marka aynu eegno Islaamku waxa uu aasaasay Bangiyadii ugu horeeyey, suuqa saamiyada lagu kala iibsado (stock exchange) iyo kaarka xisaabta Bangiga (Credit Cards), Maamulka maaliyada dawlada ( Monetry Control and Circulation) iyo waxyaalo kale oo badan oon xagan ku soo koobi Karin sida Kacaanka Sayniska uu Islaamku sameeyey oon maqaalkan aan ku soo koobi Karin.

Islaamku waxa uu aasaasay bulsho aan faqri lahayn wakhtigii Omar Ibn Abdi Aziz taasna uu ilaa imika Mareykanku aanu gaarin. Islaamku waxa uu seexday 1850 -1991 sababtuna ay ahayn in la waayey cid dunida kula tartanta 900 oo sano; weligeedna soomay marin dad dunida mudadaa xukumo.

Nimanka hogaamiye dawladaha cilmaaniga uguna horeeye Madaxweyne Obama iyo maamulada cilmaaniga waxay garwaaqsadeen in muslimiinta aan dagaaal lagu jebin Karin kadib jabka ka socda Ciraaq iyo Afqaanistaan markii la arkey .. waxa uu Obama dunida Islaamka u qiray hadalkiisi Qaahira in wixii horena uu ka raali gelinayo umad welibana ay waxa ay rabto isu maamusho sida tii rabta kitaabka Islaamka inay isu maamusho, waxa kale uu sheegay in dunida Islaamku adduunka u horseeday culuumta sayniska iyo suugaanta abaal weyna ay reer galbeedku u hayaan, hadaba kii aan Islaamka aaminsaneen ayaa sidaa u garwaaqsan xooga iyo aqoonta dunida Islaamka 

Gunti iyo gebo-gebada maqaalkaygan khayrka xanbaarsan waxaan dhalinyarada kula talin lahaa inay ka fogaadaan fusuqa iyo wax-yaalaha xun-xun ee bulshada iyo idinkaba idin dhaawacaya, inaad iska ilaalisan buugta macmalka ee sheekooyinka la alifay ka hadlaya ood akhrisataan kuwa cilmiga leh, inaad dadka Alle, rusushiisa iyo culumadiisa aflaagadaynaya aad ka fogaataan sharka ay wadeen aadna damisaan meesha ay dabkaa gaarsiiyaan. Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu soo hadeeyo bulshada Reer Yurub iyo Ameerika oo uu xaqa waafajiyo.