Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 11 January 2025

Cafiska Iyo Saamaxaada Waa Sifo Islaam Oo La Mahadiyo .. Xiriri Qofka Ku Gooya Oo Wax Sii Midka Wax Ku Diida Oo Cafi Midka Ku Dulmiya

Thursday - July 6, 2023




Cafisku waa Sifo la mahdiyo oo uu Alle siiyo Qofka uu Gob ka dhigo Gobanimana ugu daro, Si Ilaahay u solon-siiyo Addoomadiisa ku sifaysan sifada suubban ayuu ku amray inay qaataan Cafiska .. Alle Quraankiisa wuxuu ku yiri "Cafiska qaado oo wanaagana far kana jeenso kuwa aan waxba garanaynin oo dan uga bax"

Alle ayaa sido kale Kitaabkiisa quraan ku xusay "Hadaad khayrka muujisaan ama aad qarisaan amase aad xumaan laydiin gaystay cafidaan' ilaahay waa mid cafiya oo kara inuu dambigiina dhaafo"

Nusuusta diinta ee ka hadasha cafiska aad bay u badan yihiin mana aha kuwo lagu soo koobi-karo qormo kaliya waxna arintaas ku tusinaysaa sida is cafintu u tahay muhiim.

Aayaad Quraana ayaa Eebe ku yiri "Raxmad xagga Rabigaa ka ahaatay darteed baad ugu jilicsanaatay hadaad ahaan lahayd mid dabci qallafsan oo qalbi adag way kaa kala yaaci lahaayeen,ee iska cafi oo u dambi dhaaf dalab arimahana kala tasho oo markaad go'aan gaarto Alle u talo saaro waayo Alle waa mid jecel kuwa talo daaranaya"

Saxaabiga Abii Muusaa ashcari RC xadiis uu Nabiga ka wariyay SCW ayaa wuxuu ahaa in Nabiga yiri: ma jiro cid Alle kaga sabir badan dhibaato uu maqlo,waayo waxay ku nisbeynayaan inuu caruur dhalay markaasuu isagana inta iska cafiyay misana quudinayaa.

Sido kale Saxaabiga Cuqba wuxuu yiri:Rasuulka SCW ayaan la kulmay oo intaan gacanta qabtay ayaan iri Rasuulkii Allow Camal la qabto kuwee u fadli badan, kolkaasuu Rasuulka SCW igu yiri:  Cuqboow xiriiri qofka ku gooya, oo wax sii midka wax kuu diida, oo Cafi midka ku Dulmiya”.

Nabiga SCW waxaa laga xigtay: "Iska cafiya dhexdiina dunuubta xuduuda waajibisa ee idin dhex taalla,waayo wixii xuduud ah oo aniga isoo gaara waa la fulinayaa".

Abuu hureyra rc waxa uu Rasuulka scw ka wariyay inuu yiri:-Saddaqo maal ma nusqaamiso Ilaahayna uguma kordhiyo addoon cafintiisa darteed,waxaan cisi iyo sharaf ahayn ruuxna ilaahay dartii isulama yaraado illaa Ilaahay kor buu u qaadaa Maqaamkiisa.

Cali ibnu abuu daalib RC wuxuu yiri:- hadaad cadowgaada ka gacan sarayso intaad cafido ka dhigo cafiskaas shukri iyo mahad naq aad alle dartii ugu danayso"

Xasan Al-Basri Alaha ha naxariste wuxuu yiri: dabeecadda Muuminka midda u fadli badan waa cafiska

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa naka gudboon inaan ku camal falno cafiska iyo saamaxaada udub dhexaadka u ah diinteena macaan.