Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 10 January 2025

Wax Allaale Wixii Aad Bixisaan Waa La Idin Keenin Badalkeeda Oo Inti Ka Badan .. Qofka Doonaya In ILahay Arsaaqada U Badiyo Qarabadaada Xiriri

Thursday - July 20, 2023




Waxaa Diinteenu noo sheegtay in asbaabaha Risqiga lagu raadsado yihiin Laba nooc, sababo muuqda iyo kuwo qarsoon .. Sababaha muuqda cid walba way taqaanaa, inuu ganacsi samaysto, inuu beero qoto, inuu xirfad uu ku shaqeysto barto .. Sababaha qarsoon dadku ma wada yaqaano, qofkii Ilaahay SW waafajiyo ayaa og ee diintiisa ku camal falaya, kuna dhaqmaya. Ilaahay SW waxuu ballanqaaday in arsaaqda sababahaa lagu raadsado la helayo.

Asbaabaha lagu heli karo Maal badan oo barakaysan waxa ka mid ah inuu qofku istiqfaarta "Dembi-dhaafka badsado" ..  Nebi Nuux CS ayuu Ilaahay SW ka waramayaa oo qoomkiisa waaninaya, una tilmaamaya sidii ay Maal barakaysan u raadsan lahaayeen, oo ku yiri qoomkiisa "Ilaahay SW dembi-dhaaf weydiista, waxuu idin siin-doona Roob aad u badan, Xoolo, Wiilal, Beero” 

Waxaa diinteenu na fartay in asbaabaha Arsaaqda lagu helo ka mid tahay Taqwada iyo Alle ka cabsiga .. Taqwadu waa in adoomadu Ilaahay SW ka cabsadaan, sida Quraanku inoo sheegayo, "Qofka Ilaahay SW ka cabsada, faraj ayuu uga samaynayaa wixii ku adkaada, meel aanu ka filayna ayuu Arsaaqad ka siiyaa .. Sidoo kale Ilaahay SW waxuu aayad kale inoogu sheegay "Dadka aduunyada ku nool hadday Ilaahay SW ka cabsadaan Cir iyo Dhul waxaan uga soo furi lahaa barakaat"

Asbaabaha kale lagu helo Arsaaqad barakaysan waxa ka mid ah in Ilaahay SW la tallo saarto, Tawakalku waa in adoonku Ilaahay SW talo saartaan oo arrimahooda u dhiibto. Sida Ilaahay SW inoogu sheegay aayad "Qofkii talo saarta, Ilaahay SW wuu ku filan yahay"

Nebi Maxamed NNKH waxuu yiri, "Hadaad Ilaahay SW talo saaran lahaydeen, talo saarasho dhab ah, waxuu idiin Arsaaqi lahaa siduu Shimbirta u irsaaqo, ee subaxii u wada kalahaan, galabtiina soo noqdaan iyagoo wada dheregsan"

Waxa ka mid ah asbaabaha inaad cibaadada Ilaahay SW qofku u far-baxo oo markuu gudanayo aanu qalbigiisu meel kale jirin, balse uu u soo jeedo cibaadada .. Hadaad sidaa diidana qalbigaaga mashquul ayaan ka buuxin doona, faqrigaagana wuu kugu soo butaaci"

Waxa ka mid ah asbaabaha arsaaqad barakaysan lagu helo xiriidhinta qaraabadda, sida Nebigu CSW ku xusay xadiiskii Bukhaari ku jiray "Qofka doonaya in arsaaqada loo badiyo loona balaariyo, oo cimriga loo dheereeyo, qaraabadiisa ha xiriiriyo"

Waxa ka mid ah asbaabaha Arsaaqad barakaysan lagu helo in meelaha kheyrka ah wax lagu bixiyo, taasoo qofku qanni ku noqon karo, Maal barakaysan ku heli karo. Sida Ilaahay SW inoogu sheegay quraanka "Wax alaale wixii aad bixisaan, annigaa bedelkeeda idiin keenaya-weliba bedelku wuu ka badan yahay"

Xadiis Bukhaari waxuu tilmaamayey in labo malag maalin walba duco iyo habaar u taagan yihiin, mid oranayo Ilaahow qofkii wax bixiya bedel sii, ka aan bixinna ku habaarayo Ilaahow ka qaad"

Xadiis saxeex Muslim ku sugnaa nin ayaa maqlay Daruur laga dhex hadlayo "beerta Hebel Waraabi" beeraha kale maaha, way iska ba'ayaan, laakiin beertan ayaa bixi-doonta. Daruurtii beer keliya ayey ku da’day, nin dhex-taagnaa ayuu wareystay, maxaad samaysaa? Markaa ayuu ninkii Beerta lahaa ugu jawaabay ‘Beerta wixii ka soo baxa Saddex meelood ayaan u qeybiyaa, meel dib ayaan Beerta ugu celiyaa, meelna waan Sadaqeystaa, meelna maasriif ayaan ka dhigtaa"