Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 10 January 2025

Akhbaarti Zamanki Hore .. Aabe Da'ahaan Jiray 40 Sano Halka Wiilkiisu Da'diisu Ahayed 120 Sano ( Waxay Kala-weynaayeen 80 Sano)

Friday - August 11, 2023


Maalin maalmaha ka mida iyo dhulka barakeysan ee Qudus ayaa Nabi Cusayr CS oo da'diisu ahayed 40 sano ayaa asagoo socdaal ku jira watana Dameer-kiisii iyo cunto ka koobnayd Muufo iyo sido kale sharaabka canabka .. Markay ahayd waqtigii duhurka ayuu Muufadi ku qooyey cabitaankii u watay, isla markaana Dameer-kiina waa seeteeyey, kadibna waa jiifsaday si uu u nasto, markaasuu soo kacay qorraxdii oo sii dhacaysa.

Nabi Cusayr waxa la hadlay Malag oo waydiiyey "imisa ayaad huruday" Nabi Cusayr waxa uu yiri; waxaan hurday maalin ama maalin barkeed .. Malagii waxa uu ku yiri: waxaad horoday "BOQOL SANO" Ee fiiri cuntadii iyo cabitaan-kaagii ismay badalin, sidoo kale Eeg Dameer-kaagii waxa asiibay!

Nabi Cusayr (CS)waa fiiriyey Sharaabkii iyo Cuntadii ayagoon is badalin, markaasu dayey Dameer-kiisii waxa uu arkay Lafihii Dameerka oo baaliyoobay, kadibna waxa uu malagii yiri: Daawo qaabka uu Eebe u soo noolaynayo Dameerka .. Nabi Cusayr CS, Waxaa la tusay mucjiso, oo Lafihii Dameerka ee baaliyoobay ayaa is-qabsaday, kadibna hilibkii, lafihii, jirkii iyo muruqyadii ayaa is-qabsada. Ugu danbayna waxa Dameerki fuulay dhoggurtii, markaasa lagu afuufay Ruuxdii kadibna Dameerkii waa ciyey Sadex jeer asagoo mooday inay qayaamadii dhcday.

Nabi Cusayr CS markuu arkay mucjisada ayuu yiri waan ogahay in "Eebe wax kasta awoodo" .. Nabi Cusayr CS waxa uu u dhqaaqay gurigiisii iyo magaaladi uu daganaa, kadibna waxa uu arkay magaaladii oo is-badashay, daaro cusub oo la dhisay iyo magaaladii oo guud ahaan camiran.

Nabi Cusayr waxa uu damcay inuu tago gurigiisii balse muusan helin oo dhul badalan ayuu la kulmay, kadib iyo mar dambe waxa uu la kulmay haweenay Duq ah, oo uu waydiiyey gurigii Cusayr .. Hawenaydi way oyday oo tiri: Allaa Cusayr waa la waayey Boqol sano ka hor, waxaanay u dhowdahay inuu geeriyooday .. Nabi Cusayr(CS) waxa uu dhahay Cusayr waa aniga oo waxaan hurday mudo Boqol Sano ah, Eebana waa i soo kiciyey.

Haweenaydii waxay ku tiri haddii aad Cusayr tahay "Eebe ii bari si uu indhaha iigu fiiqo, xanuunkana iiga dul qaado .. Nabi Cusayr waa masaxay wajigeeda kadibna waxa u fiiqmay indhihii, xanuunkiina way ka bugsatay, waxa la dhahaa haweenayda da’deedu waxa uu ahaa 120 "Sano"Haweenaydii waxay fiirisay Cusayr kadibna way garatay inuu yahay Nabi Cusayr. 

Haweenaydii waxay u gaysay qoomkiisii iyo gaar ahaan wiilkiisi oo markaa da' jirsaday 120 sano, hasa-ahaate Aabe Cuseyr marki u hurdada ka soo toosay cimrigiisi waxba iskama badalin oo 40-kiisi sano ayuu ahaa Sidaa daraadeed Aabaha iyo wiilkiisa waxay kala-weynaayeen 80-Sano ..  markuu la kulmay qoomkiii ayey uga warrameen in boqorki iiraan ee Bakhtunasar uu gubay kitaabkii Tawraadka ahaa .. kadibna Nabi Cusayr waxa uu amray inay qodaan meel uu u cayimay, kadibna waxay ka soo saareen kitaabkii Tawraadka ahaa oo uu aasay Nabi Cusayr CS Boqol sano ka hor. Hase ahaatee Kitaabku waa duugoobay, oo baaba’ay, Kadibna Eebe ayaa qalbigii Nabi Cusayr(CS) ku ilhaamiyey kitaabkii "TAAWRAAD" oo dhan, markaasay qoomkiisii gorteen oo ku farxeen in kitaabkii Tawrah dib ugu soo laabtay.

Nabi Cusayr CS markuu geeriyooday ayey Yahuudii tiri Cusayr waa wiilkii Eebe, ayagoo u nisbaynaya in Ilaahay dhalay ubad, laakiin xumaan ilaahay baa ka nasahan wax ubad ahna Eebe ma dhalin, cidii aaminta in Eebe ubad u sugnaadayna, diinta way ka baxday! .. Ilaahay baan ka magan galnay!