Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 July 2024

Ciidamadi Korneyl Bixi Waa La Lagday .. Xoogagi Gadoodsanaa Ee SSC Oo Qabsaday Fariisimihi Gooja-Cade .. Gafuur-tagi Bixii Guuldara Ka Raacday .. Bulshadi SSC Oo Sharaf Iyo Gole Fariisad Yeeshay

Friday - August 25, 2023



Warar dheeraad xog-ogaalna ah oo laga helaayo goobaha lagu dagaalamaayo ee saaka ka qarxay aagagga Maraaga iyo Goojacadde ee Laascaanood ayaa sheegaya in SSC ay si buuxda u qabsadeen xerada Goojacadde kadib markii uu dagaal xooggan halkaas ku dhex maray labada dhinac

Saacado yar ka hor ayay ahayd markii SSC ay sheegteen inay qabsadeen Maraaga oo hore gacanta ugu jirtay Somaliland taas oo ah bar kontarool oo ay ku dagaalamayeen ciidamada Somaliland iyo dhinaca SSC .. Wararka ayaa intaa ku daraya in xoogaga SSC ay qabsadeen Hub ay ku jiraan Taangiyo iyo baaburta gaashaaman

Dagaalka ayaa ahaa mid maalmihii u dambeeyay isa soo tarayay, midka maanta dib u qarxayna waxaa uu bilowday abaaro Shantii iyo qadar labaatan daqiiqo ee Aroornimo.

Weli lama oga tirakoobka khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama uu dagaalku bilowday arroortii hore ee Jimcaha maanta, abaaro shantii iyo labaatan daqiiqo.