Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Dhaqaalihi Doolarka Mareykanka Oo Gabiga Ka Sii Duulaaya .. Lix Dal Hor leh Oo Ka Mida Sacuudiga Iyo Imaaraadka Carabta Oo Ku Biiray Kooxda PRICS

Sunday - August 27, 2023



Hoggaamiyayaasha Dalalka ku bahoobay kooxda BRICS ayaa ee Brazil, Russia, India, China iyo South Africa ayaa Khamiistii hore sheegay inay ku casuunteem lix wadan si ay ugu soo biiraan ..Talaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu kordhiyo sumcadda iyo xoojinta kooxda ballan qaaday in ay hananayso “Koonfurta Caalamka.” 

Wadamada cusub ee lagu casuumay shirka Brics ayaa kala ah Argentina, Masar, Iran, Ethiopia, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta (UAE), kuwaaso dalabkooda horey u soo gudbiyey ayaa la sheegay iney ogolaadeen casumadaas

Qorshaha ay wadaan hoggaamiyayaasha ku bahoobay Ururka BRICS, ayaa si weyn saamayn ugu yeelanay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan Maraykanka oo la saadaalinayo innay si dhab ah u dhaawacdo dhaqaalihiisa.

Sidoo kale, hoggaamiyayaasha dalalka Ruushka, China, India, Brazil, South Afrika iyo saaxiibada kale ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in wax weyn lagaga beddelo qaab dhismeedka Ha’yaddaha qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah, waxayna dhammaan qorshayaasha ay wadaan Madaxda dalalka xubnaha ka ah BRICS noqonayaan kuwo araxda ka jebiya siyaasadda Maraykanka ee awood sheegashada aduunka iyo xataa dhaqaalaha uu kaga fushado danihiisa.