Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 July 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Gabadhi Taariikhda Sameysay Anshax-xumo Dhamaanteed Amase Dhashay Wacalki Ugu Horeeyey Ee Dunida

Thursday - August 31, 2023




Taariikhda  Waa Sheeko Iyo Taxane Soo Yiilay .. Waxaa la yiri Ninki ugu horeeyey ee Wacal ku dhsasha waxaa la oran jiray "Cawj Bin Cunuq" Ninkaas waxaa dhashay gabar u dhalay nabi Adam CS oo yeelatay Suurad shawahan .. Hooyo Xaawo oo sida caadiga ahayed markay dhasho Mataano keeni jirtay, waxay mardambe dhashay gabar kaliya mataan lahayen, oo magac ahaan loogu yeeray '"Cunuq" 

Gabadha Cunuq, markay baaluqday ayey hal mar basrka ka xumaaday fusuq dhex-baraaqsatay, balse la batalaqsatay Duulal ins iyo Shayaadin, waxayna noqotay gabadhi ugu horeysay ee Sina aduunka ku sameysa, ugu dambeystiina waxaa la arkay iyado Uur leh oo wax u yeelay aan la garaneyn, hasa-ahaate hooyo Xaawo iyo Aadam waxay ogaadeen in ay Urka u yeelatay Shaydiinti Nabi Aadam Ku gaaf-waregeysay oo ujeedadodu ahayed in dhasha Aadam ay dariiqa xaqa ah ka leexiyaan .. Aadam ma dhaama Shayaadinta ay colaad ka dhaxeysay waxuu hooyo Xaawo gacant ugu xiray Xirsi-xijaab ay kaga badbaado duulashaas xun-xun

Gabadhiig "Cunuq" oo shuuftay Xirsiga ku xiran hooyadeed ayey inta u soo dhuumatay goor casar ay hurudo ka xaday Xirsigi bala-xijaabka, kadibna iyado si foor foorara u Akhrineysa koodadki bala-xijaabka ee hooyadeed ayey u yeeratay wixii Sheydaan ahaa, dabadeedna si caadi oo joogta ah ula macaashirtay Jin Iyo insiba.

Arintu si kastaba ha noqotay Gabadhi waxay dhashay Wiil isagana leh Muqaal cajaaib ah, laakiin hooyo Xaawo iyo Aadam oo arinka Gabadha xumad ka qaaday sharkeeda ka murugooday una adkeysan-waayey fusuqeeda, waxayna is tuseen in sidaan raali lagu noqon-karin, sidaa darteed ku habaareen balaayo iyo baryootan in ilaahey balo ku salado, dabadeed isla markiiba Carshiga ayaa laga soo aqbalay cabashadoodi, kadibna Gabadhi waxaa soo hujuumay Libaax Xajmigiisu le'egyahay Maroodi halkaasna ay nolosheedi ku idlaatay .. Subxaana-laah Aloow Habaar Waalid Naga Badbaadi

Wiilki "Cawj Bin Cunuq" oo si agoon-nimo ah ku koray oo waliba xajmigiisa maalinba maalinta ka dambeysa xoogiisa si balaarnaayey, waxuu muddo gaaban dheerakiisu gaaray illa 250 Mitir .. awoodiisa xoog Daruuraha sare ayu Biyo ka dhaansan-jiray, isla markaana marku cunto u baahdo ayuu Libaaxyada Bada gacantiisa ku soo qab-qaban jiray .. Ninkaas "Cawj Bin Cunuq" waxaa cimrigiisu soo gaaray 3500 sano, wuxuu soo gaaray illa Sadex ka mida Anbiyadi hore oo ay ka mid ahaayeen Nabi Aadam, Nuux, iyo Nabi Muuse CS ..  Cawaj oo soo gaaray waqtigi Nabi Muuse wuxuu isku dayey inu dilo, oo inta dhagax Buur le'eg madaxa soo saartay damcay inu ku dhufto Nabiga, hasa-ahaate Eebe oo nabigiisa ilaalsanaayey ayaa Shimbir Haad ah u soo diray oo dabadeed dhagaxi madaxa u ku sitay dhexda ka daloolisay markaas ayaa dhagaxi qoorta u surmay, kadibna isla markiiba Alle ayaa nabi Muuse u waxyooday oo ku yiri: Muusow wakaas "Cawaj" gagabaye ee Jilbha ka garaac " 

Waxaa kalo la warinaya in waqtigi duufaanta Nabi Nuux u isku dayey inu doonta raaco, has-ahaate xag alle ayaa indhaha Caad laga saaray oo wuu arki waayey Doonti, laakiin isagu waa Cawaj-e dheerarkiisa iyo xoog-weynedi u lahaa awgeed waa u ka badbaaday Duufaanti

Cawaj Bin Cunuq, waxaa lagu dilay Wabiga jiinkiisa oo halkaas ayuu ku bilqamay .. culeyskiisa awgeedna suuragalna waxaa noqn-weyday in la xabaalo, sidaa daraadeed waxaa laga dhigtay Brij laysaga gudbo wabiga labadiisa daan.