Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 July 2024

Kororso Aqoontaada .. Casharada Laga Barto Ciyaarta Chess-ka " Shadranjiga" Waxaa Ka Mida

Saturday - September 2, 2023



Nolosha Aduunyada Waxay la mid tahay ciyaarta "Shadranjiga" waayo ciyaarta noocaan ah wax badan oo nolosha ku xiran ayaa laga faaiidaa .. Teeda kale marka ay dhamaato Boqorka iyo Askarigu-baa waxaa lagu wada xareynaya Santuukh qura, sidaaso kale Taajir Iyo Faqiir waxaa la wada dhigaya qabri qura .. Hadaba halka ka akhriso waxa ciyaartaan laga faaiido oo ay ka mid tahay:

1- Ka hor inta aan tallabo qadin inaan u fikiro si degen oo xasiloon dhinac walbana aan wax ka eego .

2- Qorshee fican in aan ku dhaqaaqo marwalaba .

3-Mushkiladaha inaan ku xaliiyo amuusnan iyo cabasho la'aan

4- Go'aanka aan mar qato in aan dib uga noqon-karayn, balse marka hore ka firsado go'aanka aan qadanayo

5- Dulqaadkaygu in uu bato iskana ilaaliyo fudaaydka iyo degdega

6- Khaladkayga in aan wax ka barto lakin aan horay uga si socdo madama aan ka qatay cashara muhima .

7- Arrimahu siday u kala muhimsan yihiin in aan u kala hormariyo

8- Dib u gurashadu in aay maraarka qar tahay xelaad dagaal iyo farsamo aad ku gulaysan-karto .

9- Cabsidu in aay i xakamayn oo wajaaho khatarta una bareero halista.

10- inaan quusan oo is dhibin ila aan guusha garayo wayo dhibaato walba waxay leedahay xal