Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

War Ka Soo Kordhay Xaga Hargeysa .. Madaxweyne Muuse Bixii Oo Seefta Mariyey Taliyihi Sirdoonka Isla MarkaanaTaliye Cusub Magacaabay Iyo Isku Shaandeyn Weyn U Soo Wado

Saturday - September 9, 2023



Taliyaha Cusub Cabdi Muuse Qaadi
-------------------------------------------
Hargeysa- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa galabta xilalka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland Faysal Guhaad Cabdi Gahayr .. Madaxweynuhu wuxuu xilkaas si ku meel-gaar ah ugu sii dhiibay Taliyaha sirdoonka ee gobolka Maroodijeex oo la yiraahdo Cabdi Muuse Qaadi 

Waxa tallaabadani ku soo beegantay xili si weyn loo naqdiyayo Xukuumadda kadib guul darradii soo gaartay ciidanka somaliland ee ka soo baxay fariisimo badan oo ay ku lahaayeen Bariga gobolka Sool oo ay ugu weynayd taliskii Gooja-cadde ee laga hagayey dagaalka ciidamaddu kula jiraan jamaahiirta Laascaanood.

Xil ka qaadista Taliyaha Sirdoonka, ayaa ilo xog-ogaal ahi noo xaqiijiyeen inay qayb ka tahay isku shaandheyn ballaaran oo madaxweyne Muuse Biixi ku sameynayo Xukuumadiisa.

Isku shaandheyntan oo uu madaxweynuhu sameynayo ayaa saameyn-doonta Golaha Wasiirrada, Ciidamada iyo Agaasimeyaasha guud, wuxuuna madaxweynuhu doonayaa inuu dhiso Xukuumad adag oo kala dabaalata duufaanada siyaasadeed iyo dagaalka Laascsanood iyo waliba xisbiyada mucaaridka ah, 

Dhinaca kale Xildhibaanada baarlamaanka iyo shacbiguba waxay sheegeen in jabka soo gaaray ciidamada ay tahay sabab la xariirta siyaasad xumada xukuumadda iyo madaxweyne Bixii oo talo-maroorsiga caanka ku noqday.