Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 10 January 2025

Mafiyada IL-Xayiiga Aan Miriq-saneyn Ee Muxaafid iyo Mucaarad Leh Oo Halki Ugu Xumeyd Mareysa Ee Lagu Doonaayo Meel Marinta Af-Duubida Shacabka P/L .. Dufaano Siyaasadeed Hor Leh Oo Ku Furmay Dani

Wednesday - October 4, 2023



Garoowe- Mucaaridka Puntland ayaa ku dhawaaqay shirweyne ay uga arrinsanaayaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, kaasi oo magaalada Garowe ka dhici doona 10-ka bishan Oktoobar, sida ay ku sheegeen shir Jaraa’id ay maanta qabteen.

Mucaaridka ayaa ka tashan doona doorashooyinka Puntland iyaga oo ka wada hadli sidii looga bixi-lahaa xaaladda siyaasadeed ee cakiran, waxayna sheegeen inay tutbta toosan ku soo celin doonaan Puntland.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ka hor yimid hanaanka doorashada ee hal dhinac ka raran kaas oo ugu dambeyn horseeday in degmada Boosaaso ay yeelato laba Maayar, iyaga oo yiri: "Dadka damiir-koodii in lagu ciyaaro ma ahan, waa la wada ogyahay in doorasho qof iyo Cod aan lagu qaban-karin 3 bilood. Anagoo og waxa ka dhacay Boosaaso, sidee ugu aamini-karnaa doorasho Barlamaan iyo mid Madaxtinimo?"

Mucaaridka ayaa sheegay in waxa uu doonayo Madaxweynaha Muddo xileedkisa sii dhamaanayo ee Saciid Dani uu yahay Muddo kororsi taas oo aan laga aqbali doonin sida ay hadalka u dhigeen.

Shirkan ee mucaaridku iclaamiyeen ayaa ku so aadaya xilli laga cabsi qabo in Puntland ka dhacdo qalalaase sabab u ah hanaanka doorashada oo aan la isku waafaqsaneen iyo talada Puntland oo ku soo aroortay hal shaqsi oo maqane ka ah.