US Oo Si Wacan Isu Baraysa Ruush ..Mareykan Oo Diyaaradihiisa Ugu Dambeeyey Ee F-22 Ku Xoojiyey Ciidamadooda Kulaalaya Ruushka
Wednesday - April 27, 2016

Washington:- Dawlada Maraykanka oo waan waan la ilka cadeyneysa oo sida u sheegay kharaarkiisa xanununka badan Ruush mar un dha-dhamin-doono, ayaa labo ka mid ah diyaaradaheeda ugu awooda sareeya ee F-22, u soo dirtay jiida hore ee Ruushka ay isku hor fadhiyaan, gaar ahaana dalka Romania oo ka mid ah saldhigyada ay ku leedahay bariga qaarada Yurub.
Labadan diyaaradood ayaa sida la sheegay xoojin u noqon-doona maraakiibta dagaalka Maraykanka ee mushaaxaya bada Black Sea gaar ahaan degaanada u dhow jasiirada Cremea, sida khubarada hubku sheegtay, talaabadan ayaa u muuqata jawaab Maraykanku ka bixinayo duulimaadyadii daandaansiga ahaa ee diyaaradaha Ruushku kula kaceen maraakiibtiisa dagaalka iyo saldhigyadiisa Yurubta bari.
Kubarada milatariga ee takhasuuska ku ah xaaladaha milatari iyo Ruush ayaa daboolka ka qaaday in Dawlada Ruush iyo Mareykan ay si hoos hoosa ka unkamayaan cudud milatari oo ay isku muquuniyaan, taaso keeni-karta dagaal asadexaad oo dunida ka dhaca