Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 10 January 2025

Gaza Naxariis Looma Galin .. Israaiil Miyeysan Ahayen In Ay Wax Iskula Harto .. Sacuudiga Oo Markaan Dignin Siiyey Mareykanka

Sunday - October 29, 2023




Sacuudiga ayaa uga digay Mareykanka in howlgalka dhulka ah ee Israa’iil ka waddo marinka Qasa uu "cawaaqib xun" ku yeelan doono Bariga Dhexe .. Wargeyska New York Times ayaa soo xigtay sarkaal Sacuudiyaan ah iyo ilo kale oo xog ogaal ah oo sheegay in saraakiisha sar-sare ee Sacuudi Carabiya ay u gudbiyeen Mareykanka qoraallo ay uga digeen in howlgalka dhulka ay Israa’iiliyiintu doonaayaan uu isu beddeli doono musiibo ku faafta wadamada gobolka.

Sarkaal ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay inay iska caddahay in Sacuudiga uusan dooneyn duulaanka Israel ee Qasa, sidoo kale Sacuudiga ayaa digniintooda u gudbiyay xildhibaanada Mareykanka.

Koox ka kooban 10 Senetar oo Mareykan ah ayaa todobaadkii hore magaalada Riyaad kula kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Senetarka Dimuqraadiga Richard Blumenthal, oo xubin ka ah Guddiga Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida, oo ka mid ah kooxda aan kor ku soo sheegnay, ayaa wareysi uu siiyay New York Times ku yiri:
Hoggaanka Sacuudiga wuxuu rajeynayaa in laga fogaado howlgal dhulka ah si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.” isagoo intaa ku daray in saraakiisha Sacuudiga ay ka digeen in howlgalkaan uu keeni doono khasaare baahsan.