Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 9 January 2025

Sir Fakatay .. Sir Muuse Bixii Qarinaayey Oo La Kashifay

Thursday - January 25, 2024





Ergayga gaarka ah ee wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa sheegay heshiiskii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi inuu ahaa mid lagu majo xaabinayay sii socoshada wada hadalada labada dhinac.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay dowladdu inay rajo wanaagsan ka qabtay  wada hadalada mar kale dib u bilowday iyo qodobadii ka soo baxay shirka ka dhacay dalka Jabuuti.

Hase ahaatee, heshiiska Ethiopia ay la gashay Somaliland ayuu sheegay inuu Soomaaliya ku noqday arrin laga fajaco oo aysan dowladdu marna filayn inay ka suurtowdo Somaliland.

“Waxaan aaminsanahay in heshiiska dhacay uu ahaa mid ay dowladda Ethiopia ku fashilinaysay isfahamkii labada dhinac, waana ayaan darro in arrintaas dhacdo,” ayuu yiri ergayga dowladda Soomaaliya u qaabilsan wada hadalada Somaliland.

Guuleed wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya inay qadarin weyn u hayso Somaliland ayna diyaar u tahay in mar walba laga shaqeeyo sidii ay wada hadaladu usii socon lahaayeen.

Wuxuuse sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahaan doonin tallaabo kaste oo wax u dhimaysa  qaranimada Soomaaliyeed.