Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Sinjibiisha Waa Daawada Ugu Waxtarka Badan
Wednesday - May 4, 2016
Sinjibiishu waxa ya ka mid tahay dhirta dhaqan ahaan iyo cilmi ahaanba la isla qirsan yahay in dawo ahaan loo isticmaali karo, taariikh ahaanna muddo dheer ayaa uu aadamuhu geedka Sinjibiisha u isticmaalayey dawo ay kula tacaalaan xanuunno badan. Dhinaca kalana cilmiga casriga ahi waxa uu qirsan yahay in dawo dhireedka la hubaa ay ka tayo badan tahay dawada sancayska ah kana khatar yar tahay maadaama oo aanay ku jirin isku-dhisyo kiimiko ahi.
Macaanka:
Daraasado caafimaad oo kala duwan ayaa dadka macaanka qaba kula talinaya in ay cabbaan cabbitaan ka samaysan sinjibiisha, kadib markii la ogaaday in koob sinjibiil karsan ah oo subaxdii la cabbaa uu hoos u dhigo heerka macaanka dhiigga ku jira.
Caloosha
Sinjibiishu waxa ay awood u leedahay in ay caloosha ka saarto naqaska (Gaasta) waxaana la aaminsan yahay in ay tahay geedka ugu fiican dhinaca dabiibista khalkhal caloosha ku yimaadda. Sidoo kale Sinjibiishu waxa ay dabcisaa muruqyada caloosha, waxa aana loo isticmaali karaa daweynta bakteeriyada keenta shubanka.
Caafimaadka wadnaha:
Sinjibiishu waxaa loo adeegsan karaa xoojinta caafimaadka wadnaha, maadaama oo ay yarayso heerka dufanka (Kalastaroolka) ee dhiigga ku jira, kaas oo khatar ku ah wadnaha, xididdada dhiigga iyo guud ahaan caafimaadka qofka. Sidoo kale sinjibiishu waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga, taas oo ka dhigaysa hormoodka dhirta iyo caleenta kala duwan ee caawiya xoojinta caafimaadka wadnaha.
Digniin:
In kasta oo ay sinjibiishu dhiigga ka ilaaliso in uu guntamo, taasina ay u fiican tahay dadka dhiigkarka qaba ama miisaankoodu badan yahay, haddana waxa ay khubarada baaritaannada ku sameeyey ka digayaan in aad ay jirka ugu badato si aanay meesha uga wada saarin xinjirowga dhiigga oo muhiim ah.
Hargabka iyo dhaxanta:
Faa’iidooyinka caafimaad ee sinjibiisha waxaa ka mid ah in ay xoojiso hab-dhiska difaaca ee qofka, Sinjibiishu waxa ay badisaa dhididka, dhidid badan oo qofka ka yimaaddaana waxa uu ka mid yahay dawooyinka dabiiciga ah ee qabowga iyo hargabka.
Ka hortagga Kansarka:
Cilmibaaris ay samaysay Xarun Kansarka ka shaqaysa oo ka tirsan jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in sinjibiisha budada ahi, ay disho unugyada kansar ee gala ugxaanta dhalmada.
Daraasado kalana waxa ay daahfureen in sinjibiishu ay si weyn u curyaamiso koritaanka unugyada Kansar ee midhicirada. Dhinaca kalana waxa ay khubarada isku-daweynta dhirtu caddeeyeen in sinjibiisha loo isticmaali karo daweynta cudurka xubnaha gala. Laf dhabarta oo saliid Sinjibiil lagu duugaana waxa ay caawisaa in xanuunku uu ka yaraado qofka.
Dhimista miisaanka.
Cilmibaaris ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan Maxadka nafaqaynta jirka oo hoos taga jaamacadda Columbia ee dalka Maryakanka ayaa sheegay in Sinjibiisha oo lagu daro cabbitaannada kulaylka lagu cabbo ay sababto in qofku uu dhaqso u dareemo dhereg, kana hortagto in uu xilliga kan xiga cuno cunto badan, halkaas ayaana ay ka imanaysaa fikirka ah in sinjibiishu ay dhimmi karto miisaanka. Intaas waxaa dheer in sinjibiishu ay caawiso gubista dufanka jirka ku jira iyo miisaan dhimista. Isla daraasaddaas jaamacadda Columbia waxa kale oo lagu ogaaday in sinjibiishu ay xakamayso ama yarayso abateedka (Doonista cuntada) taasina ay qayb libaax ka qaadataa dhimista miisaanka.
Ugu dambayntiina sinjibiisu waa ay saamayn fiican ku yeelataa heer kulka jirka, waxa aanay caawisaa kordhinta awoodda uu jirku u leeyahay ka faa’idaysiga cuntada uu qofku qaadanayo, sidaa awgeed waxa ay gubi kartaa xaddi badan oo dufan ama xayr ah.
Sinjibiisha iyo timaha:
Sinjibiishu waxa ay caawisaa in timuhu ay baxaan, waxa aanay kordhisaa wareegga dhiigga ee gaaraya madaxa, taas oo ah sababta ay timuhu si fican ugu baxayaan. Waxa ay tayaysaa timaha oo ay awood iyo nafaqo ku filan siiso, ugu dambayntiina saliidda sinjibiishu waxa ay madaxa sii dabiici ah uga kaxaysaa toxobta.
Sinjibiisha iyo maqaarka:
Sinjibiisha waxaa ku illaa 40 isku-dhis oo la dagaallama in falgallado aan sax ahayni ay jirka gudihiisa ka dhacaan, kuwaas oo qofka ka ilaaliya gabowga, sunta ay ka soo saarayaan maaddooyinkaas iyo fir-fircoonida wareegga dhiiga ay gelinayaanna ay qurxiso maqaarka, maadaama oo uu jirku helayo xaddi badan oo ah maaddooyin nafaqo. Sinjibiishu waxa ay qofka u ilaalisaa muuqaalka dhalinyaronimada, maqaarkiisana waxa ay ka dhigtaa mid dhalinyaro. Ugu dambayntii sinjibiisu waxa ay ka hortagtaa findoobka, waxa aanay nadiifisaa bakteeriyada keenta.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story