Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Nin Cunaha La Qabtay Xaar Ama Dhuusyey .. Mareykanka Oo Sideed Ka Mid Ah Dalalka Hogaaminaaya Is-Bahaysiiga BRICS Ku Soo Rogay Cuna-qabateyn

Tuesday - Feb 27, 2024



Washington - Dawladda Maraykanka ayaa xayiraado cusub kusoo rogtay Sideed waddan oo ka mid ah kuwa hoggaamiya ee ugu tunka weyn Isbahaysiga BRCS .. 93 Hay’adood oo ka soo kala jeeda  dalalka ciriiriga geliyay awoodda iyo dhaqalaha Maraykanka, ayaa lagu shaaciyay Liiska, kuwaas oo dalalkoodu safka hore ugu jira Isbahaysiga BRICS ee Ruushka Iyo Shiinuhu hoggaaminayaan oo fara ba’an ku haya awoodda iyo saamaynta dhaqaale ee Maraykanka.

Maamulka Madaxweyne Biden ayaa sheegay inuu xayiraado ganacsi oo cusub kusoo rogay 93 hay’adood oo ka kala socda Ruushka, Shiinaha, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Kyrgyzstan, India iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo uu ku eeddeeyay inay Ruushka ku taageeraan dagaalka uu kula jiro Ukraine oo galay sannadkii labaad.

Talaabada xayiraada Maraykanku shaaciyay, ayaa ku soo beegantay maalin ka hor sanadguuradii labaad ee duulaankii Ruushka ee Ukraine, waxayna cunaqabatayntu si dhab ah u mamnuucaysaa shixnadaha Maraykanka ee loo diro kooxaha la beegsaday iyo Hay’addahaa, oo ay ku jiraan 63 kasoo jeeda Ruushka, halka 16 yihiin kuwo kasoo jeeda Turkiga, 8ka mid ah ayaa Shiinaha kasoo jeeda, iyadoo afar shirkadood ay dalka Imaaraadka kasoo jeedaan.

Talaabadan oo ka dhigaysa tirada guud ee hay’addaha liiska ku jira tan iyo markii uu duulaanka Ruushka ee Ukraine bilaabmay 900, waxayna tan u muuqaata mid qayb ka ah wareeggii ugu dambeeyay ee cunaqabataynta Maraykanka, saaxiibada iyo xullafadda si ay uga jawaabaan dagaalka ka socda Ruushka ee Ukraine, kaas oo bilaabmay Febr 24, 2022
Maraykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay in ka badan 500 oo bartilmaameed ah sababo la xiriira dagaalka iyo dhimashadii hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny.