Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 July 2024

Qaraqi Fircoon .. Nabi Muse Alla U Wax-yoday Kuna Yiri Fircon Marku Qarqanayey 70 Jeer Ayuu Gargaar Ku Weydistay .. Hasa-ahaate Haddu Anigo Rabi Ah Gargaar Hal Mar i Weydisan-laaha Waan Badbadin-laha

Thursday - May 9, 2024




Ka sheekeynta taariikhda faraacinta ee ballaaran waa mid keenaysa in dulmar uun lagu soo koobo. Waa taariikh laga qoray buugaag boqollaal gaaraya oo lagu bidhaamiyay cidda ay ahaayeen Faraacinnada iyo sida ay u xukumayeen Masar .. hasa ahaate Alle wuxuu kitaabkiisa quraan nogu sheegay in Fircoon xiligi Nabi Muuse u noolaa, oo sheegtay inu yahay ilaah, isla markaana ahaa kuwa ku nool barwaaqo lagu xardhay Udug iyo Dahab oo inta badan hantida ay lahaayeen lala Aaso. Waxaa xitaa boqoradaasi ku jiray dumar

Boqoro badan ayaa soo maray Masar kuwaas oo ka koobnaa in kabadan 20 qoys oo kala gadisan oo muddo dheer xukumayay dhulka Masaarida .. Fircoonka 'Ilaah-nimada' sheegtay ee lagu soo xigtay Kitaabaka Quraanka Kariimka ah, magaciisa wuxuu ahaa "Ramsiis Amuun" oo ku caan-baxay Ramsiiskii 2-aad waxaana loogu magac daray awoowgii oo isagu la oran jiray Ramsiiskii 1-aad.

Markii dambana Ilaahay Subaxaanahu Wa-tacaalaa ka soo dhex saaray Nabi Muuse oo ka horyimid Ilaah-nimadii uu sheegtay islamarkaana sabab u noqday inuu ku Qarqo biyo .. Fircoon marku biyaha ku qarqanaayey wuxuu illa 70 jeer badbaado ugu yeertay Nabi Muuse oo u lahaa "Muusow ii badbaadi, Muusow ii badbaadi" .. Fircoon baryadaas u ka doonay dhinaca Muuse kuma badbaadin oo halki ayuu ku Qarqaday, waxaase la wariyey inu mardambe oo u sii Qarqanaayey wuxuu damcay inu Alle baryo, laakiin Malagi Jibril ayaa ku yiri ma hadaad toobad keeneysa,  kadibna Afka dhoobo ugu riday 

Alla Subxaana Wa-tacaala ayaa u soo wax-yooday Nabi Muuse CSW, wuxuuna ku yiri: Muusow Fircoon marku qarqanaayey waxuu kuu wacday 70 jeer oo ku-lahaa ii badbaadi, balse aniga oo ciisgeyga ku dhaaranaaya haddi hal mar u ii wacan-lahaa waan badbaadin-lahaa 

Meydkiisu waxa uu yaallaa Matxafka weyn ee Masaarida kaas oo ku yaalla bartamaha magaalada Qaahira meel u muuqata fagaaraha weyn ee Taxriir.

Fircoon iyo Haamaan ayaa ku Heshiiyay in Fircoon uu sheegto Alle Awood u leh inuu Wax Abuuri karo. Hamaan wuxuu Fircoon kula Heshiiyay inuu Beenta u Marag furi-doono, Suuqana u gelin doono in Fircoon illaah yahay.

Haddaba, Beentii markii ay Suuqda ku Faaftay, Fircoon waa u is Cajabiyay, wuxuuna Aaminay inuu illaah yahay, wuxuuba iloobay in Haamaan yahay Ninkii Beenta ay ku Heshiiyeen isla markaana Dadka Beenta ku Hirgeliyay.

Fircoon isaga oo khuraafadkii Aaminsan iyo Aftahaninadii Alle Weyne ku Galadaystay ayuu Haamaan ku yiri:- Haamaanoow maalintaan Madaxaaga Abuuraayay dhib badan ayaan kala kulmay. Haamaan inta uu Qoslay ayuu Fircoon ku yiri:- Xataa Anigaa yaa Fircoon. Fadlan dib u Xasuusoo Heshiiskeenii ahaa in aad ilaahnimo Sheegato, Anigana kaaga Marqaati kici doona. Xataa Aniga miyaad Rabtaa inaad Beenta igu Saxdid .. kkkk