Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 July 2024

Xog Dhaba Iyo Xqiiqo Sugan .. Waxa Leelkase Iyo Sacad Ka Dhex Socda Habar Walba Jiifkeedey Ka Ogtahay .. Ha La Joojiyo Dafiraada Aan Lala Gabaneyn iyo Indhaha La Isku Cadeynayo .. Xumaan Yaan La Gar..

Tuesday - May 14, 2024





Akhristow, Aduunyadaan Inteedi Badneyd Caqligi baa laga suuliyey .. Canaan baa la riixaya wanaagna wuu riiq-may oo wixii si loo yaqaanay beri hore hadda xaga kale looga rogay oo Qulan-qulshaha laga gawracay, waana la dhiiqeeyey dhaqanki wacna, hiddihi subanaa, diinti iyo wixi ilaah ina faray iyo wixii laga xishoon jiray oo dhan la fasaxay oo misana Afka boor soo wada marsaneyso. 

Shacabki meel kasta u ka joogo arlada Mudug saboolnimo darteed wuxu ruugaya Lafaha, hadaba akhristow ma is-weydiisay waxaa sababay dagaalada mise weli ma aadan fahmin .. Bal waxa Mudug iyo dagaalada qabiilka halkaa ka jira bal adigu wax ku sheeg.

Wararka laga soo xiganaayo degaanadaas Mudug iyo gaar ahaan xaalada ka sare oog-satay guuxa iyo buuqa gaarsiisan heer hubeysan halkaa ka taagan waqtigaan xaadirka ah waa wax Habar walba fadhigeeda kula socoto, run ahaan-tina ma ahan in lala walaaqdo kuwa casabiyada qabyaa-ladeed ku sakhraansan oo beenta mala-awaalka shubaaya, balse si siman oo ixtiraam leh oo aan mid-koodna haybta durugsan awgeed la jaa'ifeyn .. waa muhim in Galdogob Times aysan la walaaqan qabyaalada somali duleysay

Akhristow, sida la ii sheegay waa la is haraatiyey, lays wanjalay oo hubka dhacaya hilibku bood-booday, waxaana halkaas ka dhacay dhawr jeer dirir isku dhac laba beelood gorada la isu galiyey, taaso ujeedo iyo ka jeedo toona lahayen, waxaana leenahay inta nooli salaan ha naga gudomaan inta dhimateyna aan soo aakhiro-toosino .. Allaw u naxariiso waxaan ahayen laygama fisho

Sida la xusay labada dhinac-ba goobo iyo meelo tel-teel ah dad aan yareyn ayaa ku dhintay, welina indhaha la isu cadeynaya oo dib-nahaa la kala haysta iyo dabin la ruugaayo, durbaanki dhiilo iyo is eedeynti iyo dafiraad wada socota ayaa dhinacyada laga abaabulaya .. Beesha Tanade/Leelkase waa Reer ilaahay ka kor yeelay gardaro iyo xaqo la aaso, ma doonaan dhul durugsi iyo meel aanay lahayen, kumana tacdiyaan Maato, mana sameyaan xasuuq .. daan-daansi kuma kacaan ..  asal iyo facba waa ummad xishoota oo gar-naqsiga iyo nabada caan ku ah, mana ahaa Dad sal-fudeydka majaraha u qabtaan, waa Dad duuduub ku liqa wax kasta oo ay talo soo jeediyaan wax-garadka, sido kalana ma aha dad sidey doonaan u dacal-faaruura wixii heshiis la dhigto amase sidi waajib dhaqan iyo islaanimo waafaqsan ayey wax walba u qiyaas-dhigtaan .. Tanade/ Leelkase kuma cabidsamo "Walaahaan Madax Ka Goyn" balse ilaah mooye nina kama baqaan

Waxaa muuqata amase jirtaba warbaahinta qaarkeed iney Laf Cad toobin ku hayaan, isla markaana hadalo dhataqla ah ee aan meel-day lahayen iyo cuqdad maaroowday ayaa qalbi-gooda buuxisay, maxaa yeelay haddi ay xaqiiqo dhaba hayaan iyadoo aan la is xiijin, isla markaana beesha Leelkase la aflagaadeyn ayey si dhib yar u soo gudbin-lahaayeen xaqiiqada dhacdada kiiska gabadha gudoonka dilka ninka Waalan riday .. Beesha Sacad shiikh iyo shariifba iyo inta miyirka qabta waa qirsan-tahay taariikh ahaan gobanimo dirirka Leelkase oo tiro boqolaal dagaal-yahan dagaal lagu qabtay loo soo gudbiyey, sidaa daraadeed in Leelkase siyaabaha qaarkood lagu yiraahdo Munaasab-kood ma aha 

Sida la xaqiijiyey ninkaan la dilay oo sida muuqata waqtigi ajashiisa dhamaatay waxuu u soo galay Malaka-moodki dili-laaha oo u gacan galay Dumar iyo caruur caro gafuurka iyo wajiga la tubaya ka careysan wiil-kooda isla maalintaas birta lagu aslay Raqdiisana Waraabe cunay , iyadoo sido kale mid ka mida gabdhaha meesha ka muuqda ay iyadana walaalkeed dagaalki ugu dambeeyey lagu dilay oo isaga laftiisana waxaa la yiri waa u Waalnaa .. nasiib darada jirtay waxay ahayed goobta ma joogin qof iyo Uun wax garad ah oo wax qabta, balse meesha waxaa ku soo xoomay Gabdho iyo baaluq is mood "Teen-Ege-ka Sin-dheerta" colaad u heeseysa aan dilka garaad-kooda u kala eegeyn waayeel iyo mid waalan, runtina waa dad-nimo-xumo wixii waxaas dhigayna Bulshada Leelkasana waa ka  xumaatay .. koleyba qof-kasta wixii u shaqeysto ayuu aakhiro marka u dhinto hor ilaahay ugu taga.

Arinta si kastaba ha noqote, wax maanta ummada u kala qarsoon ma jiraan, wax-kastana sabab bey leeyihiin, hadaba arimaha ka socda Mudug waxaa mudan in markasta wax la iska weydiiyo, oo dadkani waa kii kol hore niyad-sami ku heshiiyey ee ku walaaloobay ee xagee wax ka leexdeen yaase ka masuul ah fitnada laba-kacleysay, oo baaqi nabada la isla qaatay u badalay reero la weeraro .. waana dood ummada dhex-taal laga soo hadlo nin-ba sida ay la tahay  

Waa in taariikhda wixii horay u dhacay dib loo xasuusto lagana barto qaladki shalay .. Colaad la isku dabar Go' nabad baa ka door- roon .. beesha Sacad iyo Leelkase Wakhti intee la eg ayey ku qaadan doontaa inay khalad-kooda arkaan oo intay shaydaanka iska naaraan ay si xasarad la'aan ah hiddaha islaanimada iyo dhaqanka daris waanaaga uga tarjumaan? fadlan Raadki idin soo maray, Raadki hore ha Marina

ILaahay-baa Mahad Iyo Maamusba Leh .. Qore Mohamed Alihashi ( In Cadaawe)




hits Hits : 1354