Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Faaiidooyinka Laga Helo Cunista Sadex Xabo Oo Timira Maalin kasta
Sunday - May 8, 2016
In badan ayaa diraasado isdaba jooga lagu sameeyaa faaidooyinka caafimaad ee timirta, haba u badnaaadaan kuwa lagu sameeyo wadamada reer galbeedka oo si maalin-la ah u daba jooga geedkan miraha bunniga ah leh, waayo waxa ay waxtar badan u leeyihiin ka hor taga xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo waliba xasaasiyada, intaasi oo kaliya kuma koobna waxtarkuye 3 xabbo oo maalinta dhan aad cuntaa waxa ay leeyihiin waxtarkan hoos ku xusan!
Diraasado badan oo caafimaad oo uu geedkani leeyahay ayaa lagu ogaaday in ay timirtu tahay cuntada ugu dhamayska tiran dunida marka laga eego macdanta uu jirka bina aadamku u baahan yahay sida Iron, Zinc, Magnesium, iyo Manganese. Intaas waliba waxa usii dheer Faytamiinnada (Vitamins) A, B, B6 Iyo v-K.
Jirkaagu waxa uu u baahan yahay awood uu ku shaqeeyo maalinkii, timirtu waa qaabka ugu wacan, fudud uguna dheereeya ee aad awood dagdag ah ku heli lahayd.
Sida uu qortay barta Internetka ee Gesundheitstipp timirta waxa ku jira unugyo aad u milmi og, kuwaasi oo caawiya dheefshiidka jirka, iyada oo lagula taliyo dadka ka cawda calool istaaga, waxaana xusid mudan in isla markaana lagu daweeyo shubanka waayo waxa ay timirtu isu dheelli tirtaa qaabka ay saxaradu u soo marto xiidmaha qofka.
Faaidooyinka layaabka badan ee ay timirtu leedahay waxa kamid ah inay ka hor tagto xanuuno badan oo qofka soo waajihi kara, Allah idankii kadib, waana qaabka ugu wacan ee lagaga hor tago lafo xanuunka sida uu sheegay websiteka Gesundheitstipp.
Waxa ay ka hortagta dhiig yaraanta ayaa kamid ah dhibaatooyinka kusoo badanaya bulshooyinka sannadadan dambe, gaar ahaan wadammada aan dhaqaalaha badan lahayn, hadaba si aad uga hor tagto dhiig yaraan ku soo food saarta cun 3 xabbo oo timir ah.
Dhinaca kale waxay kordhisaa awooda wadnaha. Wadnuhu waa halka uu qofku ka nool yahay, cadaymaha faraha badan ee laga helay timirta ayaa dhamaantood isku si u sheegaya in timirtu tahay cuntada ugu waxtarka badan wadnaha ruuxa bina aadamka ah. Sida diraasadahan lagu xusay ayaa timirtu waxa ay hoos u dhigtaa heerka Cholesterolka oo ah ka ugu wayn ee sababa xanuunnada ku dhaca jirka bina aadamka.
Waxa xusid mudan in timirta uu Allah SWT ku sheegay Quraanka suuratu Maryam isaga oo la hadlaya Maryam (( Rux oo gilgil jirrida geed timireedka waxa ay kuu daadin doonta rudab..)
Aaayadani waxa ay cadayn u tahay in timirtu ay qof umul ah ugu filan tahay cuunno iyo caafimaad oo dhan, iskaba dhaaf qof aan dhib qabin.
Ugu dambayntii waxa uu Nabi Muxammad SCW ku sheegay xadiis in Qofka cuna 7 xabo oo timir ah marka uu aroortii soo tooso aanay waxba ka tari doonin sixir iyo sun toona.
Waxaa noo soo gudbiyey: Cabdi Cawiye
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story