Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Doorashadi Konfur Afrika .. Maxay Dadka Konfur Afrika Taageero U Siin-waayeen Xisbiga U Soo Halgamay Xoriyadooda

Monday - June 3, 2024





Natiijada doorashada ee Koonfur Afrika ayaa lagu dhawaaqay, iyadoo Xisbigii uu mar hogaamin jirey Nelson Mandela ee ANC uu lumiyey aqlabiyaddii Baarlamaanka dalkaa oo uu ka helay 159 kursi marka la eego tirada guud ee kuraasta loo tartamayey oo dhan 400 oo kursi.

Waa natiijadii doorasho ee ugu xumayd xisbiga ANC, tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorka muddo haatan 30 sano laga joogo, inkastoo uu ilaa hadda haysto kuraasta ugu badan.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa inkastoo xisbigiisa ANC uu lumiyay aqlabiyadda baarlamaanka, haddana wuxuu natiijada ka soo baxaday doorashada ku tilmaamay mid guul u ah dimuqraadiyadda Koonfur Afrika.

Natiijada doorashadan waxay soo afjartay 30 sano oo ay hogaaminta siyaasada ee Koonfur afkika kali ku ahaayeen xisbiga ANC, codbixiyaasha Koonfur afrika oo wajahayey caqabado baahiyada asaasigaa ee nolosha koronta iyo biyaha ayaa jiha kale u leexiyey dalka rubac qarni ka badan.tani waa waa cusub oo u baryey koonfur afrika.

Xisbiga ANC ayaana helay 159 kursi oo ka mida 400 oo uu ka kooban yahay barlamaanka dalkaasi iyagoo lumiyey aqlabiyada barlmaanka markii ugu horeysay tan iyo xiliigii midab takoorka ee Koonfur afrika.

Natiijada ayaa ifisay in hoos u dhac weyn ku yimi taageeradii xisbiga ANC halka xisbiyo ugub ihi ay yesheen taageer badan iyo tiro xoogan oo barlamaanka ah.

Gudiga madaxa banaan doorashada waxay natiijada ku tilmaamneed in doorashada sanadkan ay ahayd mid an hore loo arag.

Xisbiga MK ayaa sheegay in kaliya ay la shaqeyn doonaan isbaheysiga ANC haddii madaxweyne Cyril Ramaphosa uu xilka ka dago. Xoghayaha Guud ee ANC, Fikile Mbalula, ayaa sheegay in dalabkan uu yahay mid aan su'aal leh. Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id, Mr Mbalula ayaa sheegay in xisbigu ay tahay inuu dib u eego istiraatijiyadiisa ka dib natiijada doorashada.

Haddaba maxay guuldarradan soo foodsaartay uga dhigan tahay xisbiga ANC muxuuse u baahan yahay si uu u sii hayo caynaanka dalka?

1- "Sababta koowaad ayay dadka qaar ee reer Koonfur Afrika waxay leeyihiin dhaqaalaha waddankeena waxaa gacanta ku dhigay ajaanib oo xisbiga ANC wuxuu ogolaaday inay dad badan yimaadaan
2- qodobka labaad ayaa ah dhulka taas oo la xiriirta dib u soo celinta dhulkii caddaanka la wareegeen xilligii gumeysiga marka dadka madowga waxay rabeen in haddii cadaankaasi ay diyaar u yihiin inay dowladda ka iibsato dhulka 
3- Tan saddexaad ayaa ah in dhaqaalihii yaraa ee ay dowladda ANC hoggaamiso gacanta u haysay ay ku tagri-faleen rag ka mid xisbiga taas oo ay dadku sheegeen in dhibaatadii dhaqaalaha uga sii dartay",