Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Ayaan-low Naxidin Joogta Iyo Waxa Maanta Al-Haakum .. Xagee Ayuu Ku Danbeeyey Ninkii Ibleyska Ku Nabnaa Ee Hooyadi Mindida Ku Dilay

Wednesday - June 5, 2024




Toddobaad ka hor waxaa magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooi Bari ka dhacay dil naxdin lahaa oo nin hooyadii uu baangad ku dilay, kaas oo isagiina la soo werinayo in uu ku dhintay cisbitaalka Wajeer oo la dhigay maalintii uu dilka geystay, kaddib markii isagana ay dad meesha ku ururay ay nabarro gaadhsiiyeen.

Ninkan ayaa maalinkii u dilka geystay ay dad badan ku soo yaaceen, kuwaas oo kolkii a dhacdada la kulmeen ninkiina iyagu ay u gacan qaaday ka hor inta aanay boolisku ka soo gaadhin oo goobtii ka kaxayn .. Wiilkan oo dilka geystay xaafadda Cali Mocow, ayaa dhimashadiisu imanaysaa ka hor intii aanu bilaaban kiiska ku aadan dilka hooyadii.

Cabdifataax Maxamed ayay masuliyiintu sheegeen in jugtii falkaa kaga dhacday ay dhimashadiisu keentay .. Cisbtaalka Wajeer ee Wajeer Referral Hospital, oo ah goobta uu ku dhintay ayaa maamulkiisu noo sheegeen in sababta dhimashadiisu tahay dhiig maskaxda kaga furmay sida uu yiri agaasime Rooble Xasan.

Gudoomiyaha xaafadda Cali Macow ee ismaamulka Wajer Maxamed Xasan oo dhacdadii horena ogaa tan danbena BBC-da uga warramay ayaa noo sheegay in dhaawacyo ka muuqdeen markii hore ee dilku geystay ka hor intii aan cibitaalka la geyn "Bulshadii ayaa nabarro gaarsiisay meeshii booliska ayaa imaaday, cisbitaalka weyn ee Wajeer ayaa la jiifiyey halkaas oo dhowr beri uu joogay kaddibna uu ku geeriyooday ayuu Maxamed Xasa u Sheegay BBC-da.

Ninkan ayaa la sheegay in hooyadii hubkii uu isticmaalay uu ahaa baangad, taas oo uu Qoorta kaga gooyey sida ay boolisku kaga warrameen sida wax u dhaceen.

Ninkan ayaa sida la sheegay horey uga soo baxay xabsiga oo muddo uu ku jiray, Waxa uu geystay dilal dhowr ah sannadihii la soo dhaafay, waxaana laga sii daayay xabsiga ayuu warbaahinta gudaha u sheegay taliyaha booliiska .. Soo bixitaankiisii hore dadkii dhaawacyada uu geystay ayaan sii daba gelin, sida oo kalena hooyada dhashay ayaa u ololaynaysay in la soo daayo

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ah kuwo ku cusub deegaanka Waqooyi-bari Kenya