Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Nabi Maxamed SCW Waa Kuma? .. Muxuu Nabiga Xiligi Sakaraad-kiisa Nooga Tagay Oo Dardaaran Ah

Sunday - June 9, 2024





Nabiga Magaciisa Oo Sadexan .. Muxammad, bin Cabdullaahi, bin Cabdul Mudhalib, bin Haashim .. Magaca Hooyadiis  Amina Bint Wahab .. Naaneystiisa Maxamed Runlow ..  Inta jeer Uu soo xajiyey Rasuulkeena - 1 jeer ayuu Nabi Muxamed xajiyay, sidoo kale 4 jeer wuu cimreestay.

Saaxiibka Nabi Maxamed SCW, wuxuu ahaa saxaabigii Abuubkar Al-Sadiiq oo dhib iyo dheef ay isla soo mareen .. Tirada Xaaskiisa  iyo caruurtiisa Subane Muxamed .. Caruurta Rasuulka Scw tiradooda waa 7 (3 wiil iyo 4 gabar), Xaasaskiisa waxa ay culimada intooda badan isku raaceen in ay ahaayeen 11.

Goorta u dhashay Nabiga wuxuu ku dhashay Magaalada Makka, sanadkii Maroodiga ama bisha rabiicul awal oo ku aadan miilaadiyada .. Waa Kuma Rasuulka SCW ? Wuxuu ahaa qof midka ugu wanaagsan ee Alle uu abuuray. Wuxuu ahaa qof aan isla weyneen oo bulshada ay u siman-yihiin, wuxuu kaloo ahaa qof cadaaladda si wanaagsan u kala garqaada .. Nabiga Scw waxa uu ahaa qof garta qaata, waxa uu ahaa qof si wanaagsan dadka u dhageysta, Waxa uu kaloo ahaa Ruux aduunyada aan jecleen.- Rasuulka Scw waa qofka inoo balan qaaday in Jannada aynu ku kulmi doonno, waa inta nasiib u yeelata.- Waa Xabiibka Alle. 

Hadalada Rasuulka SCW- Nabigeena wuxuu ka dardaarmay in Dumarka iyo Caruurta aad loogu naxariisto - Qudus in ay muslimiinta furtaan ayuu ka dardaarmay oo hadda ay heystaan yahuudda.- In aan wax dhib ah loo geysan Dhulka barakeysan ee Sacuudi Carabiya ayuu ka dardaarmay, madama ay tahay halka uu kasoo jeedo, uu ku dhashay, kuna geeriyooday, kuna aasan yahay. Salaadda ayuu inbadan umadda ugala dardaarmay iyo in dhiiga qofka bini'aadamka aan lagu daadin si aan sharci ahayn.-

Nabi Maxamed SCW wuxuu kaloo yiri "hal aayad xitaa ha noqoto umadeeyda iga gaarsiiya". Geerida nabi Muxamed SCWW, wuxuu geeriyoodey maalin Isniin ah, 12kii Rabbiicul-Awal, sannadkii 11aad ee Hijriga.Wuxuu xiligaas jiray SCW 63-Sano .. Nabiga SCW geeridiisa ilaah baa ogaysiiyay. Wuxuu ahaa nabiga kaliya ee la weeydiyey in naftiisa laga qaadayo ..  Xanuunka Rasuulka Scw- Nebigu wuxuu xanuunsanayey 18-Maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen .. Qur'aankii ayaa la taam yeelay oo waxaa soo degay Aayadihii ugu dambeeyey. Sidoo kale waxa uu Rasuulku SCW saxaabada ku yiri "ma idin gaarsiiyey (diintii)" oo uu waliba Saddex jeer ku cel celiyey, mar walbana ay lahaayeen "Haa" markaasuu yiri "Allaw ka markhaati kac" .. Wax Ka Faafi Taariiqda Rasuulka SCW Ugu Kheyrka Badan