Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Laba Beelood Oo Gorada La Isu Galiyey .. Goobta La Isku Wanjalay Waa Degaanka Laan-dheer Oo U Dhaxeysa Degmada Caabud-Waaq Iyo Xeraale " .. Shanta Talaabo Oo Uu Qaaday Qoor-Qoor

Monday - June 10, 2024





Dhuusamareeb – Khasaaraha dagaal beeleed kharaar oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee lagu magacaabo " Laandheer" gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa aad u kordhay, ayada oo dhinacyadu dhowr jeer isku laabteen shalay.

Dadka haya xogta dagaalka waxay warinayaan geerida ku dhowaad 40 qof iyo dhaawac intaas ka badan. Dagaalka u dhaxeeya beelaha  Mareexaan iyo Dirta Xeraale ee wada dega gobolka Galgaduud ayaa rejo xumo ku abuuray dad badan oo filaayay in loo sii dhawaanayo marxalad ay dadka reer Galmudug ka guuri-doonaan khilaafka dhexdooda ah oo ay u midoobi-doonaan la-dagaalanka argagixisada.

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa qaaday dhowr tallaabo oo lagu badbaadinayo dhiigga walaalaha ku dagaalamaya deegaankaas.

1- Mid kamid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan waa in maamulka ciidankiisa ku amray inay kala dhex galaan labada beelood oo ay ku guuleysteen in xabadda la joojiyo .. Ilaa saddex askari oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen intii ay shalay ku howlanaayeen inay xabadu joogsato. Cambaareynta iyo tacsidu waxay ahaayeen mid uu maamulka ku kabay qoraalkiisa.

2-Waxaase kale oo bogaadin leh inuu Qoor-Qoor deg deg u magacaabay guddi heer wasiir ah oo si buuxda u kala dhex gala labada reer, xaaladdana soo gaarsiiya marxalad wada-hadal ah.

3- Hoggaamiyaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu gogol nabadeed dhigay magaalada Dhuusamareeb, si loo soo afjaro xiisadda labadaan beelood ee walaalaha ah. Dagaal sidaan u kharaar oo u khasaare badan waayahan kama dhicin deegaanada Galmudug.

4- Hoggaanka maamulka Galmudug ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay ku mashquulsan yihiin bixinta gurmad caafimaad oo la siinayo dhaawacyada labada dhinac.

Ku baaqida nabadda, dhiig joojinta ciidanka maamulka ee loo diray goobta dagaalka, dhismaha guddiga xal doonka ah iyo gogosha uu Qoor-Qoor dhigay magaalada Dhuusamareeb ayaa dhamaan si togan wax uga beddeli kara xaaladda.

Waxaana maamulka Galmudug laga rabaa inuu la yimaado aragti si buuxda usoo afjareysa colaaddan.

Dagaalkan u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah ee kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale wuxuu kusoo aadaya iyada oo la qorsheynayo inay dhowaan deegaanada Galmudug dib uga bilowdaan dadaaladda lagu soo afjaraayo kooxaha argagixisada.


Waxay dhacdooyinka nuucaan ah culeyska ku baddinayaa maamulka Galmudug iyo ciidankii loogu tala-galay inay la dagaalamaan argagixisada.

Dadka walaalaha ah ee halkaa ku dagaalamaya waxaa la gudboon inay wax u reebtaan Islaamnimada, Soomaalinnimada iyo derisnimada, ayna dhinaca kale fursad siinin argagixisada, oo marwalba iyagu faa’iido ka dhex raadiya colaadda qabaa’ilka.