Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 October 2024

Waa Maxay Dabeylahaan Duduubay Gogoshii .. Aqoon-yahan Samantar Oo Yiri ; Aqoonsi Somaliland U Soo Socda Ma Jiro Ee Sheydaanka Ha La Iska Naaro

Monday - June 17, 2024





Hargeysa, Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, sidoo kalena ah gudoomiyaha Ururka Hilaac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan hogaanka maamulkaasi.

Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano .. Sababta waxa uu ku sheegay in aysan jirin doodo cilmiyaysan oo qoran oo la diyaariyay si adduunka loogu qanciyo wax ay tahay Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciyaar ciyaar uun ay ahaayeen wixii la soo qabtay 33-Sano ee la soo dhaafay, isaga oo caddeeyay in qaddiyada Somaliland aan la gayn fagaaarihii caalamka ee loo baahnaa.

"Aqoonsi Somaliland u soo socdaa ma jiro, sabab? Waayo maynaan kasban dee, hawsheedii maynaan galin, waa ciyaar ciyaar sheekadii aynu haynay 33-kii sanadood, car soo sheeg meel Somaliland qadiyadeedu ku qorantahay oo ay cilmiyaysan tahay, waxaynu nahay" ayuu yiri Axmed Ismaaciil Samatar .. Prof. Samatar ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo doodo cilmiyaysan oo ka turjumaysa rabitaanka Somaliland, si loogu qanciyo adduunka

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Somaliland muddooyinkii u dambeeyay ay dadaal gelineysay arrinta ictiraafka, waxaana aqoonsi ay hesho darteed ay heshiis badeed la gashay dowladda Itooboya.

Heshiiska ka dib Itoobiya ayaa sheegtay inay aqoonsaneyso Somaliland, sida uu shaaciyayWasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

"Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.