Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

War Baa U Gaajo Badane .. Beelihi Mudug Dhawaanta Ku Dagaalamay Oo Laga Filaayo Heshiis Nabadeed Iyo Iska Naarka Ibleys

Sunday - July 7, 2024



Galdogob- Waxaa la yiri xaaladi dagaal ee u dhaxeysay Beelaha Leelkase Iyo Sacad illa hadda kama jirto xiisad balaayo dagaal oo la sheegi-karo, balse keliya tacadar awgeed labada dhinacba waa un la is hor fadhiya keeb la yuurar .. Waxaa kalo warku sheegaya in ciidamo laga kala keenay Puntlan iyo Galmudug ay hadda labada dhinac dhexdooda la dhigay

Arintu si kastaba ha ahaate waxaa la yiri "Kulu Xaraka Lahaa Baraka" sida laga war-hayo xaalku sidi hore ma ahaa oo maamulada is bahaystay( Puntland-Galmudug) ayaa jawgi aamusnaanta ka baxay oo aad u suuragaliyey in xiisada dagaal la joojiyo, isla markaana u saaray Rag Cod kar ah iyo qaar Cag kar ah oo Bada Macaansha

Waxaa la yiri, Beelooy  maxaad tarta? Waxay tiri Nin iska deganaa baan u khaa-khiya oo wax aanu ka war qabin cirib-tooda dambe ku dhaqaajiya ilaa aan gunta ka rido oo kama haro illa aan nafta ka qabto, sidaa daraadeed waxaa gudiyada arintaan loo xilsaaray la faray in arinka labada beelood si hagar la'aana qodaxda laga dhameeyo oo balaayada wax khuu-khineysa laga naaro iyo intaan geeri horteed waa in la keeno talo lagu mahadiyo, isla markaana fitno-wdayaasha Cirka iyo dhulka dhexdooda wal-hanaaya Cagaha dhulka loo dhigo.

Akhristow sheekada meesha ka socota waa ka dheertahay Ceel iyo Geel la kala qaaday Ee waa wax kooxda al-shabaab dabada ka riixaayo oo qolo raadis ah, oo waxaa maalinba maalinta ka dambeysa dibada u soo baxaya talooyinki Oday Biiq u Araweelo ay iskula dhaqmi jireen taaso ahayed inu si qarsoodi ah arimaha ka soo horjeeda maamulka Araweelo u uu adeegsado laba Wajiila-yaal  u kala dab qaada, si aaney wax ugu socon amase ugu talaabsan xalinta baahida  maamulka ay hogaanka u tahay .. Misana Bilaa danbi buu sheegta Oday Biiq Aan Wax geysan