Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Gazaay Samir Gargaarki Alliyo Guusha Waad Heli .. Raiisal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Oo Wuxuu Israaiil Iyo Falastiin Ka Qabo Cadeeyey

Thursday - July 11, 2024





London - Ra’iisal wasaaraha cusub ee UK, Keir Starmer, ayaa  taageeray Israel wuxuuna wacad ku maray inuu la dagaallamo, wuxuu ugu yeeshay  "NacaybkaYuhuuda" maadaama ay isaga iyo xaaskiisa Victoria Alexander carruurtooda u korinayaan Yuhuuda iyo dhaqan-kooda. Sidoo kale ay cashada habeenkii Jimcaha ee Yuhuda muqadas u arkaan.

 Inkastoo PM Starmer laftiisa aannu ahayn Yuhuudi, balse Caruurtiisa ayaa lagu korinayaa dhaqanka iyo diinta Yuhuuda wuxuuna sheegay in qoysku ay sii wadi doonaan inay isugu yimaadaan cashada habeenka loo yaqaan "Shabbat" inta uu dalka maamulayo .. R/W Starmer waxa kale oo uu ahaa taageere xooggan oo Israel ah,  waxana uu ballan qaaday in uu la dagaallamo kor u kaca nacaybka ee dhibaya Boqortooyada Midowday.

Xaaskiisa Victoria Starmer waa qareen hore oo  Ingiriiska  ah, waxayna hadda u shaqaysaa Adeegga Caafimaadka Qaranka .. Aabaheed wuxuu ka dhashay qoys Yuhuudi ah oo Poland ah oo yimid Ingiriiska ka hor dagaalkii labaad ee aduunka .. Hooyadeed oo dhimatay ayaa qaadatay diinta Yuhuuda.

Qoyska R/W Starmers waxay ka tirsan yihiin "Sunagogga Yuhuudda Liberal ee St Johns Wood ee London," kaas oo isku sifeeya inay tahay "Bulsho loo dhan yahay, oo kala duwan iyo sinnaan" ay ka go’an tahay caddaaladda bulshada iyo soo dhawaynta la-hawlgalayaasha aan Yuhuudda ahayn oo lagu kulmo casho habeenka Jimcaha.

Muxuu R/W Starmer ka yiri naceybka Yuhuuda? .. R/W Starmer waxa uu qayb ka mid ah barnaamijkiisa ka dhigay la dagaallanka nacaybka, waxana uu  dhaleeceeyay hogaamiyihii hore ee Labour Jeremy Corbyn .. Kaddib markii Corbyn  ugu yeeray Hezbollah iyo Xamaas inay yihiin “saaxiibo, in kasta oo uu markii dambe dib uga noqday, wuxuuna markaa kaddib taageeray qaadacaada Israa’iil isagoo hoos u dhigaya kor u kaca nacaybka sannadihii uu hoggaanka u hayey xisbiga 2015 ilaa 2020.

Halkee R/W Starmer ka taagan yahay Israa’iil? .. R/W Starmer ayaa sheegay in qaar ka mid ah qoyska xaaskiisa ay ku nool-yihiin Israa’iil, laakiin "ilaah ayaa mahad leh" midkoodna si toos ah uma saameynin weerarradii Xamaas ee Oct. 7. Ayuu yiri.

Dhawaanahan, waxa uu sheegay in "waxa ugu horreeya oo ugu muhiimsan ay tahay in la helo xabbad-joojin, iyada oo la hubinayo in aan lahayste ka soo saarno"  isagoo ku celceliyay "taageeradiisa joogtada ah ee dalka Israel" .. Ma isku dayi-doono oo kuma cagajugleyn-doono Israa’iil inay samayso tanaasul aan danaheeda ku jirin ayuu yiri. “Israa’iil waxay u qalantaa inay ku noolaato nabad iyo ammaan.”

Inkastoo Starmer uu sheegay inuu ka soo horjeedo fikradda ah in Israa’iil ay ku darsato qaybo ka mid ah dhulka Falastiin ee Daanta Galbeed, wuxuu sidoo kale ka soo horjeedaa qaadacaada.

Mawqifkiisa ayaa qoyskiisa ka dhigay mid bartil-maalmeed u ah dibad-baxayaasha taageersan Falastiin. Bishii April, dacwad oogaha ayaa sheegay in Victoria Starmer ay "cabsiisay arrintaasi cabsi u keentay" kaddib markii mudaaharaad si wax ku ool ah ay uga soo saartay gurigeeda.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale lumiyay kuraas dhowr ah oo ay ka heleen shan musharrax oo madaxbannaan oo taageersan Falastiin.