Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Runti Juxa Nin Yaab Leh Buu Ahaa .. Sheekadi Juxa Iyo Caruurti Tuulada

Thursday - July 18, 2024




Waxaa la sheegay in hada ka hor Juxaa uu ahaa Nin Caruurta aad u jecel ayagana sidoo kale waxey marwalbo jeclaayeen iney la Joogaan Juxaa Fursad kasto ay helaanne isaga ayey la qaadan jireen .. Juxaa Arinkaan aad ayuu u dhibay sababtoo ah Caruurta waxey u diideen Fursad uu Asxaabtiisa kale kula Sheekeesto iyo Mid uu Ku Nasto intaba waxuuna aaad uga Shalaayay inuu Caruurt is Cayaar baray hadana ay adag-tahay siduu isaga goyn lahaa Cayaartooda faraha badan.

Maalin Maalmaha kamid ah Juxaa iyo Saaxiibkiis oo isla socda oo sheeko fiicanna ay u socoto ayuu waxuu meel shishe ka arkay Caruurtii oo ku soo yaacayo Markaasuu saaxiibkiis ku yiri: Saaxiib Caruurta maanta Been baan u sheegayaa si aan inooga mashquuliyo.

Caruurtii markey soo gaareen Juxaa iyo Saxibkii ayuu Juxaa Caruurtii waxuu u sheegay oo u tilmaamay Guri Xoogaa ka fogaa laakiin u Muuqday kuna yiri: Caruureey Guriga Reer Hebel Maanta Aroos weyn baaa ka jira Raashin badan iyo Lacagna waa laga Qeybinayaa.

Caruurtii Markey intaa ka maqleen Juxaa Dhamaan-toodba Cagaha ayey wax ka dayeen oo Gurigii uu Juxaaa u tilmaamay bey u wada yaaceen ayagoo waliba si xawli ah isu Ceyrsanaya.

Juxaa Markuu arkay Caruurtii oo wada ordaya isna wuu iska daba dhigay oo xoog ayuu uga daba yaacay ilaaa ay kasoo gaareen Gurigii uu Juxaaa markii horeba isaga soo been tilmaamay waxuuna Caruurtii ku yiri Asagoo aad u Neeftuuraya "Aaway hee Arooskii maba u ekee Guriga guri Aroos ka jiree"?

Juxaaa Saaxiibkii oo aad ula yaaban waxa meesha ka socda Markii horena ogaa inuu Juxaa Caruurta Been u sheegayay ayaa waxuu ku yiri: Juxoow maxaad Caruurta uga daba Oraday adoo og inaad been u sheegeysay? .. Juxaaa ayaa ku jawaabay Saaxiib Beenta waan u sheegay Caruurta laakiin Markaan arkay sida Xawaaraha leh ee hal-mar u wada Yaaceen baan is iri Armey-ba runtahay waxaad Caruurta u sheegtay .. kkkk Runtii Juxaaa Nin yaab leh buu ahaa.