Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 7 September 2024

Haddi La Arko Qiiq Dab Abuuray Baa Jira .. Bulshadi Somalida Ee Kenya Oo Iminka Ku Baraarugtay Xilka Laga Wareejiyey Masuul Aadan Bare Ducaale

Tuesday - July 23, 2024




Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa isbeddel ku sameeyay golaha wasiirrada ee dhowaan uu magacaabay , wuxuu isku beddelay Wasiirkii Difaaca  Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada

Haweenayda Soipan Tuya, oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada dhowaan hadda loo beddelay wasaaradda difaaca.

Ducaale, ayaa isbeddelkan si deg deg usoo dhaweeyay, isagoo u mahadceliyay Ruto, balse ma cadda in isbeddelkan uu ku yimid cadaadiska ay gudaha Kenya ku wajahayaan siyaasiyiinta Soomaalida oo haya xilalka ugu sarreeya ee Amniga.

Haweenayda hadda qabanaysa xilka Wasiirka difaaca oo ah qareen, Soipan Tuya waxay noqonaysa haweenaydii u horreysay ee ka soo jeeda qomiyadda Maasai oo qabata jagada Wasiirka difaaca Kenya.