Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 18 September 2024

Adoonki Akhlaaq Wanaagsan Waxaa U Ku Gaara Darajo Oo Waxay U Kordhisa Cimriga Oo Waxay Camirtaa Daaraha .. Waa Qiiso Kooban Oo La Xariirta Akhlaaqda Wanaagsan

Saturday - August 17, 2024



Jornal lagu magacaabo "Makes Me Think" ee qoraalka sheekoyinka kooban ay ku soo bandhigaan Mr. Mark iyo Angel ayaa sheekadan lagu soo bandhigay :

Wuxuu yiri: Markii maanta aan doonayay inaan ku noqdo Gurigayga waxaa soo Da’ay Roob weyn, laakiin waxaan la kulmay nin Da' ah oo sita dalaayad weyn, waxaana aanu noqonay isku jiho anagoo waddo isku mid ahna wada qaadnay .. Dalladi ayuu iigu yeeray inaan Roobka ka wada galno, aniguna waan aqbalay.

Markiii aanu meel dhexe marayno ayuu Dalladdi laa-laabay, markaasi ayuu igu yiri " Aniga waa kan Gurigaygii waana aan kaa bayrayaa"  isla markiiba waxaan daremay niyad xumo madaama uu weli Roobku Da’ayo, laakiin isla markiba waxa uu igu yiri : 

Hoo Dalladda qaado adigu aniga gurigaygan ayaan gelayaa, hadda baahi iima hayso aniga, waxaana aan u laalaabay si aad u aragto, qaabkeeda haddana kala furato, oo aanay ku dhiibin. 

Waxaan ugu jawaabay " Mahadsanid”  Waxa qofka kasta u wanaagsan in uu dareenkiisa naxariista ka shaqaysiiyo wakhtiyada loo baahan yahay.
-------------------------
Akhristow, Waxaa Qisadaan inaan idin la wadaago sababtay, markaan arkay Bulshadii Soomaaliyeed ee Muslimiinta ahay oo Geed dheer iska saaray akhlaaqdi wanaagsaneyd ..  Ugu horayntii akhlaaq wanaagsan waa fullin iyo ku dhaqanka islamka, waayo ilaahay ayaa ina faray Akhlaaqda suuban .. Wuxuuna ina faraya rasuulku in aynu dadka akhlaaq wanaagsan kula dhaqano.

Akhlaaqda wanaagsan quluubta dadka ayaa lagu kasbadaa oo Qofka ceebtiisa ayey Asturtaa ..  akhlaaqda wanaagsan dhibta dadka ayaa lagaga badbaadaa.