Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Xaqiiqo La Cufeeyey Marbuu Eebe Daaha Ka Qaadine .. Dhawaaqi: ILaahayow Hadal .. ILaahayow Hadal .. ILaahow Hadal

Wednesday - August 21, 2024




Maalin Maalmaha ka mida Nin Tuug ah manjo hoolan ayaa Rati miyiga ka soo xaday ..  Ratigaas waxaa lahaa Oday ciroola ah oo ciyaalkiisa duruuf adag ku korsada, isagoo Ratigaas markasta ku dhaansan-jiray Biyaha, isla markaana gaadiid ka sokow, Ratigaas hadba meel ugu sahan-taga .. arintu si kastaba ha ahaate Rati la'aan Odaga iyo reerkiisaba waa u geeri u soo hoyatay, Qoys dumay ka soo qaad
 
Tuugi Ratigi isagoo la laafyoonaya wuxuu la soo galay meel degaan ah, oo dadku ku badan-yahay, hasa ahaate Odaygi Ratiga lahaa ayaa Raad- raacdeyn kadib, ka dab yimi oo ku qabsaday Ratigi .. Tuugi ayaa si indho-adeyga Odaygi ku gacan-seyray oo yiri: Ratiga anaa iska leh ee bax Oday ..  ilaaqtan iyo gacan ka hadal kadib Goobti waxaa yimi Poliski degaanka, wareysi iyo wax weydiin ka dib, dadki goob joogayaasha waxay sheegeen iney un arkeen Ninkaan oo Ratiga wata iyo Odeygaan oo ku qabsaday.

Poliski ayaa si aan la garaneyn iyo aqoon xumo ugu qancay warki gar-qaadka markhaati-yaasha, dabadeed poliski waxay amar ku bixiyeen in Ninki Ratiga watay u isagu Ratiga leeyahay, isla markaana Odaygi asal ahaan Ratiga sheeganaayey goobti waa laga cayriyey, oo weliba dood liidata iyo digasho loo raacshay .. Mujrimki waaba loo sacab tumay

Odaygi Ratiga lahaa oo duudsiga dhacay ka yaabay, xaqdaro iyo cadaalad la'aan tirsanaaya ayaa isagoo gocasho awgeed ilmadu ka gobo'-leydahay Rabi tuugmo mooye gacmaha kor u taagay oo yir: ILaahayow Hadal ..  ILaahayow Hadal .. ILaahayow Hadal

Tuugi oo isu haysta inu dhaci Ratiga ku guuleystay, ayaa marku in yar socday ayaa Ratigi inta carooday ayuu ninki Tuuga ahaa madaxa kala jabiyey, isla markaana Ratigi si toosa gurigiisi iyo halki laga soo xaday dib ugu laabtay, oo la arkay isagoo xeradiisi jooga .. Subxaana -laah ,  ilaaha Wax Walba Waa Awooda.
---------------------------------------------------------------------
Akhristow, Waad Ujeedaa Gumaadka Ka Socda Gaza Iyo Milicda Ay joogaan Ee Nerfaha Kiciyey, Sahwi Iyo Wareer Hordo La Seexan-weynay Ee Ugu Duceeya in Malaaiigtu u hiiliso Muuminita Gaza .. Kaafigii Allahayow Waxaan Qirnay inaad adigu Keli-tahay, Konkana Ka Boqor Tahay.. Keligi Abuurow, Keligi Asteeyo, Keligi Ciseeyow, Keligii Gargaarow, Diinteenu Mid Weeye, Oo islaan Miiran baan nahay, Reer Gazana Waa Wada Muxaafid Quraan Miro Yar Mooye .. ILaahow Hadal .. ILaahow Hadal .. ILaahayow Hadal .. Nabad Baa Macaan Leh Allow Maanta Nagu Caawi