Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Quraanku Wuxuu Ka Qaalisan Yahay Wax Kasta Aduunka Yaala .. Waa Qiso La Xariirta Qofki Wanaajiya Malaha Uu Allah Ka Qabo Alle Ma Hoojiyo

Saturday - August 24, 2024




Nin taajir ah ayaa waxa uu casuumad u sameeyay Oday Faqiir ah oo aan haysan wax Qoys ah, sido kale wuxuu matiqaad-kaas ka qayb galiyey Qayb ka mida shaqaalihiisa, waxuuna mid kasta hor-dhigay Kitaab Qur’aan ah iyo xoogay Lacag ah .. markii ay dhamaysteen 
Cuntadii waxa uu ka codsaday mid kasta in uu doorto Kitaabka Qur’aan ah ama lacag 

Waxa uu ku bilaabay Ninkii u ahaa ilaaliyaha waxa ku yiri Lacagta Ama Qur’aanka mid dooro waxa ilaaliyihi uu yiri: Qur’aan ayaan dooran-lahaa laakiin Akhriska Qur’aan ma aqaano, oo Sidaas ayuu lacagtii ku doortay

Waxa uu ku xigsiiyay Ninkii Beerta u qodi-jiray waxa uu ku yiri Lacagta ama Qur’aanka mid dooro, waxa beer qodihi uu ku Jawabay Qur’aan ayaa dooran lahaa, laakiin Xaaskayga ayaa aad u xanuunsan oo waxay u baahan-tahay Lacagta, Sidaas ayuu ku qaatay lacagtii.

Haddana waxa uu waydiiyay Ninkii Cuntada u karin-Jiray Lacagta Ama Qur’aanka mid kee ayaad dooranasaa? waxa uu ku jawaabay anigu waxa aan Jecelahay Qur’aan Laakiin wakhtiga ayaa igu yar markaas Lacagta ayaan dooranayaa sidaas ayaanu lacagtii ku qaatay.

Markaan waxa la soo gaaray xilligii Inankii yaraa ee Xoolaha u raaci jiray Ninkan Taajirka ah, Waxa uu ku yiri Ninkii Taajir ka ahaa waan ogahay in aad tahay Inan yar oo aan waxba haysan oo aad dooron-doonto Lacagta si aad ugu iibsato Kabo Qurux badan oo aad xirato, laakiin Inankii yaraa waxa uu ku jawaabay waan ogahay in aan ahay Faqiir aan waxba haysan hasa-yeeshe waxaan dooranayaa Qur’aanka waayo Hooyaday waxay igu tiri "Qur’aanku waxa uu ka Qaalisan yahay wax kasta oo adduunka yaala oo uu ka macaan yahay Sidaas ayuu Qur’aankii ku Qaatay.

Inanki Yara, Markii uu furay Kataabkii Qur’aanka ahaa waxaaba dhexdiisa ku jira Lacagta Tobon jeer ka badan middii ay doorteen shaqaalihii kale iyo Warqad caddaynasa Xooloha Ninkan in uu dhaxli-doono Dhamaantood!waxa uu ugu jaabay: ninkii Taajirka ahaa Qofka wanaajiya malaha uu Allah ka Qabo Allah ma hoojiyo.