Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Waraabaha Ku Ruqaya Iyo Aarka Ku Raamsanaaya Side Bey Kugu Kala Roon-yihiin .. Tuugo Shaar Diimeed Soo Gashaday Oo Geela Ayda Maraya Af-Duubata .. Iyo Kacdoon Ka Dhashay

Monday - August 26, 2024




Marka – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday qorshe culus oo dhaqaale ay uga sameyneyso dadka reer Miyiga ah ee dhaqda Geela, kuwaas oo dhibaato badan ay ku heyso kooxdu .. Al-Shabaab waxay deegaanada ay joogaan ka sameysteen xeryo waaweyn oo Geela baadida ah ama aan cidi ilaashaneyn ay ku xareystaan, kadibna waxay dadkii lahaa ka qaadaan lacago baad ah.

Dadka Geela dhaqda ee ku nool dhulka fog-fog ee miyiga ah ayaa ka cabanaya dhibaatada Khawaarijta, kuwaas oo farriin u soo diray dowladda, iyagoo codsanaya in laga soo gaaro oo laga kiciyo cadowga.

Sidoo kale, ragga Geela dhaqda ee ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan ayaa cadeeyey inay diyaar u yihiin inay hubka qaataan oo Shabaab iska dhiciyaan, hadii ay helaan garabka dowladda.

Sida xogtaan sheegeyso, Kooxda ayaa bilowday inay xareystaan Geela baadida ah, kadib markii uu yimaado qofkii lahaa oo raadinaya waxay u jarayaan Boono 150 doolar ah, hadii Geeliisa uu ka soo helo xerada wuxuu bixinayaa 3 u dhig hal dhig ama mararka qaar kala bar.

Waxay qorshahaan u sameeyeen nidaam ay dhaqaale badan uga sameyn- karaan xoolaha ay duurka ka qabsadaan ee ka soo lumay dadkii lahaa, mararka qaarna waxay xubnaha noo waramay sheegeen inay ka xeystaan si ay xerada u geystaan Geela hadii uusan markaas qof la joogin, xitaa isagoo aan baadi aheyn oo daaqaya aagii loogu tala galay.

3 ka mid ah xeryaha Geelaas lagu xareeyo ee dadka lagu baado waxay ku yaalaan Sh/Hoose, gaar ahaan deegaanada Buulo-Fulaay, Leego iyo Farsooley, xubnaha xogtaan bixiyey ee xoola dhaqatada ah waxay noo cadeeyeen inay si adag uga gadoodeen qorshaha kooxda, balse weli aysan helin cid ku garab siisa inay dagaalamaan.

Sidoo kale waxaa la ogaaday in qorshahaan ay dhaqaalaha uga abuurayan Geela daaqsinka ah uu ka dhaqan galay dhamaan deegaanada ay joogaan, taasi oo aad ay uga caroodeen dadka xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo dalbanaya inay laga xoreeyo cadowgaan ku heysta xoolahoodii.