Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Sharaf Baa Wax Lagu Qaybsadaa .. Waan Ku Diirsanay Maraakiibta Dagaal Ee Ku Soo Wajahan Somaliya

Wednesday - August 28, 2024




Muqdisho – Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya, tan oo qeyb ka ah heshiiskii difaac ee labada dal ay qalinka ku duugeen.

Maraakiibta dagaal ayaa biyaha Soomaaliya ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xad-gudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sidoo kale Turkiga ayaa ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya, sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhamaadka bisha September ama bilowga October uu Turkiga usoo diro xeebaha Soomaaliya markab kale oo shidaal baaraya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in Gaas iyo Saliid ay dhex ceegaagaan.

Waxaa kale oo xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo dekedda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga ay dowladda Turkiga tababarto ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasi oo qeyb uga qaadaneyso dib u dhiska ciidanka qaranka oo lagu wado inay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December ee sanadkan.

Dabayaaqada sanadkaan ayaa lagu wadaa in la soo saaro shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maaddada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan, sida uu kal hore sheegay wasiirka batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale rajeynaysa in shidaal qodista la bilaabo horraanta sanadka 2025-ka, sida uu sheegay wasiirka batroolka, iyada oo dowladda federaalka ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, waxayna heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.