Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Dhacda Kasta Xasuusteed .. Dhacdadi Yaabka Lahayed Ee Laga Sameeyey Magaalada New York Iyo Jawaabti U Ka Bixiyey Halyeygi Madaxweyne Jamal Cabdi Nasir

Thursday - August 29, 2024




Hadda Ka hor iyo sanadku marku ahaa 1960, Waxaa dekada magaalada New-York ku soo xirtay Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Masar, wuxuuna waday Badeeco laga keenay isla dalkaas, isla markaana qorshaha u ahaa inu Dakada ka sii qaado Qamadi ka baxda Mareykanka.

Markab-kaas marki la gaaray xiligi laga dajin-laahaa badeecada, waxaa hor istaagay shaqaalihi Dekada oo ku andacooday in Markabkaan oo Masaaridu leedahay hadeysan xiriir dipolomasi la sameyn Israaiil ma ka rogeyno Badeecada saaran, dabadeed sidaas awgeed ayaa markabki dekada ugu xayirmay muddo maalmo ah iyado Masaaridi wixii muran iyo yooyotan ay sheegeen laga diiday .. Dabcan shirqolkaan waxaa dabada ka soo Basbaaseeyey Loobiga Yahuuda 

Warki xayiraada ayaa si deg deg ah loo gaarsiyey Madaxweynihi waqtigaas ee Masar Jamaal Cabdi Nasir ayaa markiiba muddo sadex daqiiqo idaacada Qaahira ka hadlay falaar cirka u diray oo xaajadi go'a ka qaaday Yirina: Umadda Carbeedey waa la is qod-qodaaya, waa naloo bareeray oo dagaal siyaasadeed aan dhamaad lahayen ayaa nala ku oogaya, oo Markab Masar leedahay ayaa la diiday in Badeecadi laga dajiyo, waxaana shuruud looga dhigay in Masar aqoonsato dawlad-nimada Israaiil, sidaa daraadeedna waxaan gudoonsanay inaan jawaab celino, oo Shaqaalaha carabta ee ka adeega dekadaha carabta iyagana dhinacooda waa ineysan maraakiibta Mareykanka ee yimaada Dekadahooda aan laga rogin Badeecadaha .. Cid Walba Gob Weeye ..  Doofarka ficil li'i ayaa Naar loogu Daayimi ayuu Jamaal hadalkiisi ku soo khatimay

Baaqaas u jeediyey madaxweyne Jamal Cabdi Nasiir kadib durba shucuubti Carabta waa la booday, oo dhamaan Dekadihi dalalka Carabta waxaa ku xayirmay tiro 900 Markab xaga Mareykan laga lahaa oo la diiday in Badeecadihi laga roogo taaso keentay in Madaxweynhi Mareykanka John Kenadey filan-waa ku dhaco, dabadeed ciidamada mareykanka ku amro iney markabka Masaarida ee ku xayiran dekada New York ay ka rogaan badeecada saaran

Akhristow ujeedo iyo haatan, Dhacdadaan waa wax lagu cibrad qaato oo tusaale iyo tusmo fiican leh .. waa xikmad ku soo arooreysa sida waqtigaas midnimada carabtu reer galbeedka uga buruud sareysay iyo sida zamankaan ay midnima-doodi u arax-jabtay, balse Dab bakhtiyey diiramaad ma leh, oo xitaa iyagoon cid kale wax u geysan baa iyagi xabaasha isu qodaaya .. Qofka noloshiisa waxaa ka hara Raad iyo Taariikh waarta aan la tir-tiri-karin, Halyey Jamaal Cabdi Nasiir Faataxo Ha Loo Maro iy Duco Aan Gureyn