Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Kiiska Dhagax-Karkarinta .. Donald Trump Dhoosha Ka Cartamaaya Oo U Hanjabay Mulkiilaha Baraha " Mark Zuckerberg"

Sunday - September 1, 2024



Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu xabsi daa'im ku xukumi doono mulkiilaha baraha "Meta Mark Zuckerberg" kaas oo ku eedeyey in uu fara geliyey doorashadii hore dalkaas ka dhacday sannadkii 2020-kii.

Sida laga soo xigtay buug uu Trump dhowaan soo saari-doono uu ugu magac daray "Save America" Trump ayaa sheegay in "Mark Zuckerberg" uu yahay nin laba wajiila ah oo daacad iska dhiga isaga oo tilmaamay in uu aqalka cad ugu iman jirey xilligii uu xilka hayey isla markaana uu muujin jirey saaxiib-tinimo dhow iyo soo dhowayn aad u sarraysa balse uu dhabarka markii dambe ka qaniinay.

Baraha Meta sida Facebook ayaa ka mid ahaa goobo Trump laga xiray sannadkii 2021-kii ka dib markii uu mariyey farriimo uu kula hadlayo taageera-yaashiisi ka hor yimi natiijadii doorashada.