Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Xasuusti Ducadi Hooyadey .. Barako Alley Soo Deg , Sheydaanow Huf Oo Habow

Friday - September 6, 2024



Alle ha u naxariisto Hooyadey, waxa ay ahayd ruux Duco badan oo baryada ama Tuugsiga Alle carabka ku hayn jirtay Goor iyo habeen-ba, waxase xusuus igu reebtay subaxii jarmaadkii iskuulka, inta hooyo Girgirada Shido, ayey Foox inta ay dabka ku rido ayey oran jirtay 

- Bismi-laahi Baan Degay

- Barako Alley Soo Deg .. Shaydaanow Huf Oo Habow!.

- Ballaayada - Ta Hore Roorran Ta Danbe Reeban

 -Ta Hareeruhu Riixan Ta Samadu Raaran

- Tan Hoose Reeban Mowlow Allahayow Na Dhawr

 Adigaanu Magan Kuu nahay Marti Allow Alahayow

Waa Duco aan yaraantii maqal-keeda qabatimay oo Runtii xusuus igu reebay, waxaase macnaha ducadu wuxuu igu duxay waa’ danbe korimo, oo aan wax bartay .. U malayn-maayo Duco ama Tuugmo Alle La Tuugo Ee Alle La Magan-galo ee Akhristow Marti-qaadka Alle Dalbada .. Teeda kale Waa Duco Hooyo qiimo badan oo Kooban waxna ka tegin 

Allow Hooyo iyo Hooyadeed hoyatay iyo intii Allahayow Umadaada adigaa naga-oge intii naxariis-taada u fidisay iyo intii Muslin ah u naxariiso Aamiin Aamiin, yaa Alle Aamiin.

Waxkasta ayaad ii tahay hooyo markasta Inaad hooyadey noqoto ayaan ku faraxsanahay.
Waad mahadsan tahay hooyo .. Qof naxariis badan ayaad tahay .. Hooyo hadaad nooshahay Cagaha ayaan had iyo jeer ku meyri-lahaa .

Hooyoy Waxaa tahay tiirka guushayda .. Walid wanaagsan sidaada oo kale inaan noqdo ayaan rabaa .. Hooyoy La’aantaa waa abaar hooyo macaan .. Hooyoy Rabi Waa Aqbalay Ducadaadi Ee Allahayow Dhamaanteen Nagu Dar Kitaabka Lagu Keediyo Magacyada Ehlu-Janada Aamiin Aamiin