Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 16 September 2024

Taariikh-yada Ku Taxan Jabinta Siraha Qufulan .. Waxaan Goob Joog Ka Ahaa Marki Ugu Horeysay Ee Kacaanki Oktobar U Magacaabay Koox Aqoon-yahan Civil Ah .. Reer Hebel Wax Kuma Lahana Waa Inoo Hal-hays

Saturday - September 7, 2024




Waqti Walba Waayihiis, Dhacdo Walba Xasuusteed iyado Maalin-kasta Oo Ku Soo Marta Waxay Kaaga Tagtaa Xasuus iyo Taariikh Gaara, Farxad iyo Murugo Mid Uun .. Akhristow Hadal Waliba Meeshi, Oo waxaan halkaan idin ku soo gudbinaaya, Wasiiradi ugu horeeyey ee la dhisay waqtigi Kacaanki Oktobar/1969 oo u hogaaminaayey Sareeyo Guuto Maxamed Siyaad Bare, iyadoo Saraakiishi golaha sare kacaanka marki ugu horeysey si wadajir ah ku codeeyey in golaha wasiirada ay noqdaan aqoon-yahano laga soo xulo bulshada "Sivil ah" laakiin waxaa la isku afgartay in xubnaha golaha saraakiisha ay kormeer joogto ah ku hayaan wasiirada iyo wasaarada-hooda, taaso wasiiradaas ka dhigtay wax aan awood badan lahayen, oo sidi Koran Xaniyaha laga muday u maluugnaadaan

Teeda kale, Wasiradaas inkasto ay ahaayeen aqoon-yahano dunida dacaladeeda wax ku soo bartay, soona arkay nidaamka dawlanimo dunida ka jira, laakiin waxay inta badan ka dhaga-nuglaadeen fulinta awaamirti barnaamijyadi taageerida ay wateen golihi sare ee kacaanka gar iyo gardaraba, waayo ma ay ahayen iyaga iyo golahi milatriga dad isku Kas ah ama isku aragti iyo ujeedo-toona, mana ahayen isku ficil iyo damqasho-toona.

Wasiiradu waxay isu qaateen iney muhiim yihiin, balse waxay iloobeen iney meesha ay joogaan ay tahay Afrika , isla markaana ilow-sanaayeen dalka iney maamulaan Askar Ob-Jac ah xukun u ooman, oo inta badan ku shaqeysa la jiifiyo banaan .. waxaa Askartu dooneysey ee ay afka ka sheegayeen iyo sida wasiiradaas u fakarayeen waxay ahayed Kaaf iyo kala dheeri, laakiin waqti dambe wasiiradaas kuwa ka mida, waxaa lagu eedeyn-jiray iney yihiin wasiiro Uurka ka buka oo Reereysan, kuna fakaraaya waxaan ummada u dan ahayen, dabadeed hadalkaas marku bulshada dhexdeeda ka go'i waayey, Siyaad Bare wuxu maalin maalmaha ka mida Carabka ku dhuftay oo yiri Kuwaan aan wasiirada ka dhiganay garaad iyo caqli ma ku duugan-yihiin mise waa digtooro Uun, ugu dambeystiina kitaabkiisi buu hoosta kala soo baxay, oo qaarkood badal ku sameeyey

Hadaba Akhristow, halkaan ayaan kugu soo qoray tiradi iyo magacyadi wasiirada ee waqtigaas la magacaabay, waxaana si taxana ah iyo Todobaadki mar idin ku soo gudbinaya hadba isbadalki lagu sameeyey wasiirada illa sanadki 1991 iyo dhamaadki xukunki Siyaad Bare 

Qaybta Kowaad Ee Wasiiradi ugu horeeyey ee kacaanku magacaabay

1- Maxamed Siyaad Bare ..  Madaxweyne .. Mareexaan

2- Cabdalla Aw Faarax Xirsi .. Wasiirka Beeraha .. Cumar Maxamuud

3-  Xasan Cali Mire .. Wasiirka Taclliinta .. Cumar Maxamuud

4- Maxamed Cabdi Caraale .. Wasiirka Maaliyada .. Habar-yoonis

5- Cumar Carte Qaalib .. Wasiirka Arimaha Dibada .. Habar-Awal

6- Maxamed Shiikh Aadan .. Wasiirka Caafimaadka .. Mareexaan

7- Maxamuud Gelle Cilmi "Dhurwaa" .. Wasiirka Warshadaha Iyo Ganacsiga .. Sacad 

8- Maxamuud Jaamac Juge  .. Wasiirka warfaafinta iyo Hanuuninta .. Mareexaan

9- Jaamac Cali Qoorsheel .. Wasiirka Arimaha Gudaha .. Warsangali

10- Osman Nuur Cali .. Wasiirka Diinta iyo Cadaalada Iyo Shaqaalaha .. Xawaadle

11- Maxamed Buraale Cisman .. wasiirka Macaadinta .. Dhulbahante

12- Axmed Maxamed Siilaanyo .. Wasiirka Qorsheynta .. Habar-Jeclo

13- Abduqair Aadan Cabdulle .. Wasiirka Hawlaha Guud .. Ujaajeen

14- Maxamed Canshuur .. Wasiirka Gaadiidka Iyo Isgaarsiinta .. Ceyr

15- Maxamud Maxamed Cisman .. wasiirka xoolaha Iyo Daaqa .. Xawadle

  Fiiro Gaara; Waxaan dib idin kaga soo qori-doona wasiiradaan kor ku xusan kuwi lagu badalay oo markaan dambe lagu daray saraakiil ka mid ahayed golihi sare ee kacaanka .. waana meesha kow ay ka bilaabatay khilaafki Madaxweyne Siyaad Bare iyo Saraakiil ka mida golihi Sare kacaanka
     Qore Maxamed Alihashi ( Ina Cadaawe)