Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Inta Badan Xumaantu Waxaa Laga Yaaba In Ay Muddo Kooban Ku Shaqeyso Oo Ay Ku Rarto Si Ay Jar Kaaga Rido .. Hogaamiye Muuse Bixi Oo Fasiraad Cusub Ka Bixiyey Heshiiski Somaliland Iyo Itoobiya Ee Bada

Monday - September 9, 2024





Hargeysa – Somaliland ayaa markale ku celisay inuu dhaqangali-doono heshiiskii arimaha Badda ee horraantii sanadkan ay la gaareen dowladda Itoobiya.

Heshiiskaas oo ballanka uu ahaa in 30 cisho rasmi looga dhigo ayaa illaa hadda far loo qaadin kadib markii carro xooggan ka muujisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan deegaanada Somaliland ku maraya safarkiisi ololaha dib u doorashada ayaa ka hadlay arrimaha heshiiska ay la gaareen dowladda Itoobiya, imaatinka ciidanka Masar ee gudaha Soomaaliya, wada-hadalladii iyaga iyo dowladda federaalka iyo qodobo kale.


Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay jirin wax bad ah oo ay siinayaan dowladda Itoobiya, balse heshiiskooda uu yahay mid ay badda kaga kireynayaan, waxaana uu dhinac iskaga riixay dadka ku eedeynaya inuu dhul ama bad Soomaaliyeed bixinayo.

Yaa kireynaya? oo ah dooda u weyn ee hadalkiisa ka dhalaneysa dhowr jeer oo hore ayuu Muuse ka jawaabay, waxaana markale sheegay in aanay Somaliland cidna fasax uga rabin arrimaha la xiriira deegaanadeeda. Wuxuuse weli Muuse is-ilowsiinaya in aan maamulkiisa la aqoonsaneyn.

Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu soo hadal qaaday ciidanka ka imaanaya dhinaca waddanka Masar, kuwaas oo aqbalay inay kamid noqdaan howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya.