Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Bishaan Waa Rabiical Awal Waa Bil Si Walba Uga Soocan Bilaha Kale Ee Islaamka .. Waa Xuski Dhalashada Nabigeena Mohamed SCW .. Akhriya Qur'aanka ILaahay Iyo Amaanta Nabigeena .. Quudiya Dadka Baahan

Wednesday - September 11, 2024





Dhalashadii Nebigeena Muxammed CSW Rabiicul-awal waa ayaantii uu dhashay Nebi Maxamed .. Rasuulkii dunidan loo soo direy ee wax isaga oo kale ah aan mar dambe dunida lagu arki-doonin, dhalashada nebigeena maxummad waxay ahayd maalin ku wayn taariikhda Aadmiga. 
Aadmigu waxay ku sugnaayeen Gudcur dam ah, dhalashada suubanaheenu waxay u ahayd dunida Iftiin, hanuun weyn oo xaga Eebbe ka ahaaday.

Wuxu ku dhashay Makka sanadkii Maroodiga (عامالفيل), Hooyadii Aamina bintu wahaabwaxay dhimatay isagoo yar, waxa barbaariyey oo koriyey awoowgii Cabdumudalib kadibna Adeerkii Abu-daalib, wuxu noqday raaci xoolaad, Sanadihii uu dhalinyarada ahaa wuxu ka shaqeeyey Ganacsiga ilaa intu ka guursanayey Xaaskiisii 1aad hooyadii Mu’miniinta ee Khadiija bintu khuwaylat (Ilaah raali ha ahaadee) isagoo markaa jirey da’da 25 Gu’, Khadiija waxay dhashay caruurta Nebiga oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariya Qibdiyah (Ilaah raali ha ahaadee).

Sanadkii 40aad ee da’diisa ayaa lagu soo dejiyey Dhambaalka "Waxyiga” rabaaniga ah, waxa loo doortay in fariinta fahanka diinta islaamka uu ugu yeero dhamaan adoomada Eebbe weyne oo Ilaah kaligii ay caabudaan cid kale na aanay waxba la yeelan, wuxu hadiiba bilaabay habkii uu fariinta rabbi uu u gaarsiin lahaa dadkii markaa ay degaan wadaagta ahaayeen, wuxu Nebigu bilaabay inu si hoose u wado muddo 3 Gu’ ah. 13-kii Gu’ ee ka dambeeyey Nebigu wuxu bulshada ugu yeeray si aan gabasho lahayn goob-kasta iyo goor kasta.

Bishan oo kale waa bil mudan in laga sheekeeyey silicii iyo saxariirkii la soo mariyey Nebiga iyo Asxaabtiisa, dhinaca waa in laga sheekeeyo taariikhdii dahabiga ahayd ee Nebiga, Asxaabta iyo intii dhaganaha nuglayd hanuunka Alle qaadatay Jin iyo Insiba, geesta kale waa bil la xuso taariikhdaa muga-weyn ee Nebiga soo socotay 23 Gu’ ee waayaha kala gedisan lahayd. Rabiicul-awal waa bil dadka Musliimiinta ay foogan yihiin:

Ugu dambayntii dheefta ugu weyn ee Bishan leedahay waa in la badiyo Saliga Xabiibkeena Muxammad SCW kaas oo daawo iyo nolol wanaag u ah qofkasta oo muslimiinta kamid ah.