Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Taariikh-yada Siraha Qufulan .. Waxaan Goob Joog Ka Ahaa General Maxamed Siyaad Oo Marki Labaad Taayaradi Ka Badalay Baabuurki U Darawalka Ka Ahaa " Isku Shaandheynti Labaad"

Friday - September 13, 2024

  1. General Maxamed Siyaad Bare ....... Madaxweyne / Galgaduud/ Mareexan 
  2.  General Salaad Gavere Kaduye .............. Wasiirka Difaaca/ Abgaal / Galgaduud
  3.  Korneyl Ismaciil Cali Abukar  ................ Wasiirka Information-ka / Habar-jecel/ Togdheer
  4. General Xuseen Kulmiye Afrax ............... Wasiirka Arimaha Gudaha / Abgaal/ galgaduud
  5.  General Maxamed Ceynaashe ................  Ministry Of State for Presidency/ Habar Yoonis/ Tog.
  6.  General Jaamac Cali Qoorsheel .............  Ministry Of State For Presidency/ Warsangali/ Sanag
  7.  Maxamed Warsame Kimiko  ...................Wasiirka Gaadidka Iyo Isgaarsiinta / Sacad/ Mudug
  8.  Xasan Cali Mire ......................................Wasiirka Tacliinta/ Cumar Maxamuud/ Mudug
  9.  Ibrahim Meegaag Samantar ....................Wasiirka Maaliyada/ Habar awal/  Waqooyi Galbeed
  10.  Cumar Carte Qaalib ..............................   Wasiirka Arimaha Dibada/  Habar Awal/ Waqooyi G. 
  11.  Maxamed Aadan Shiikh ........................  Wasiirka Caafimaadka/ Mareexaan/ Galgaduud
  12.  Maxamed Geelle Cilmi "Dhurwa".........  Wasiirka Warshadaha Iyo Ganacsiga/ Sacad/ G/Ga
  13.  Abdalla Aw Farax Hersi ......................... Wasiirka Beeraha/ Cumar Maxamuud/ Mudug
  14. Sheekh Cabdi-Qani Sh. Axmed .............. Wasiirka Cadaalada Iyo Shaqada/ Ogaadeen/  
  15.  Saciid Ibrahim Xaaji Seed ..................... Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Daaqa/Siwaqroon/Ba 
  16.  Maxamed Buraale Ismaciil .................... Wasiirka macdanta/ Dulbahante/ Sool
  17.  Axmed Maxamed Siilaanyo ....... ............Wasiirka Qorsheynta/ Habar jecel/ Togdheer
  18.  Cali Xaashi Shiikh Xuseen ....................  Wasiirka Hawlaha Guud/ Shiikhaal/ Mudug

Hadaba Maxaa Dhacay marki General Maxamed Siyaad u Taayarada Ka Badalay Baaburki u darawlka ka ahaa "Wasiiradi Isku Shaandheeyey" ..  Appointed April 3/ 1970

Ugu horeynti, Kadib marki madaxweyne Maxamed Siyaad Bare u Tusbaxa u rogay laguna dhawaaqay isku shaandeynti Labaad la kala wareejiyey magacyada wasiira-daan kor kaaga muuqda, waxaa mar qura is badashay xaaladi lagu jiray oo halkaas xubnihi saraakiisha golaha sare qaar ka mida dibnha ayey ruugeen, qaarna gacanta iyo dhabanki ayaa isku dhagay, iyadoo isla markiiba Xubnihi golaha Sare qaarkood ka dhex bilaabatay Saluug, Ciil, Qajajac lagu diidan-yahay qaabka Af-doobka iyo Tashi-la'aanta wax lagu magacaabay, waxaana Maxamed Siyaad lagu eedeeyey inu u sii gogol-xaaranaayo kali-talis-nimo, waxaana arintaa diid-madeeda si bareera u hor-boodaayey General Salaad Gabeyre, korneyl ismaaciil Cali Abukar iyo kuwa kale oo ka mid ahaa xubnihi golaha Sare ee kacaanka, oo dhamaantood rabay iney ka mid noqdaan hogaaminta noocyada kala duwan ee ciidamada qalabka sida, kuwaaso arimo gaara xagaf- sanaayey,  qaarkoodna muran la'aan waxay ku taag-naayeen maah-maahda oraneysa: Qun-yar Socod Qodax Ma Mudo , laakiin waxaa xusid mudan in xubnihi golaha sare intoodi badneyd ay iyaga gacantooda isku Karbaasheen kadib marki ay kol hore ugu codeeyeen in General Maxamed Siyaad u isagu wax walba wakiil uga yahay oo aan loo baahneyn in lagula soo noqda Majliska golaha Sare .. micnaha waxay u Ansixi-yeen kali- taliye, waxuu rabo fali-karo  



General Salaad Gabeyre, magacaabistiisi wasiirka gaashaandhiga waa u ka gadooday, wuxuuna u arkay in jagadaan ay tahay mid looga takhalusaayo, oo si gaara looga fogeynaayo inu awood ku dhex yeesho talada Xooga ciidanka, oo halkaaso xaajada u watay ka fashalantay .. Maxamed Siyaad, isagoo aan qofna kala tashan waxuu ciidanki xooga Taliye uga dhigay Maxamed Cali Samantar" Tumal" ku xigeena waxuu uga dhigay Jeneral Cabdalla Maxamed Faadil " Carab hooyadiis somali" Iyo Jeneral Nuur Cadow oo xawaadle ahaa ..  Magacabidas taliyaasha ka dib Maxamed Siyaad wuxuu aaminsanaa in xaga ciidanka ay u dhaaban-tahay oo cid kaga soo dhaceysa aysan jiri-doonin ama af-gambi ku sameyn-karta

Sida la ogyahayna wasiirka gaashandhiga somaliya sharci ahaan ma faragalin-karo hawlaha milatariga aan ka ahayen xaga Maamuuska iyo wax saxiixa mooye  .. Arintu si kastaba ha ahaate, general Salaad wuxuu markasta u xuur-teyn- jray inu noqdo taliya xooga dalka Alle-se ma aqbalin, sidaa daraadeed, wuxuu maalin kasta iyo si joogta ah muran gal-galasho la gali jiray Maxamed Siyaad isagoo ka cabanaaya in la khiyaamay .. labadooda muran badan dhexdooda ka taagnaa oo ahayed adigaa khaldan iyo waxba dhageysan-meysid iyo Salaadow qiiradu yey kula tagin ee ammaan ha lagaa helo ayuu dhahayey Siyaad Bare    

Waxaa la yiri Hami Beena Rag Waa Ku Halaagma .. Muranki iyo doodi Salaad Gabeyre hadal iyo hardiba wey ka dhamaadeen, ugu dambeynti hamigiisi waxay u gurguuratay in laga badalo wasaaradi difaaca loona badalay wasaarada hawlaha guud .. arinta si kastaba ha noqote Labada Nin beerka iska og, oo mid walba wuxuu la socdaa waxa kan kale uurkiisa ku jira .. waxay yihiin-ba midba midka kale wuxuu ku maqnaa cirib-tirkiisa, balse mid ay la Goi doonto lagama warqabin, laakiin gabagabadi, waxaa horay loo yiri wixii baxaya indhahaa Casaada oo gacantey ku soo qaataan sababihi ay ku bixi-lahaayeen oo aad moodo iney u soo Sahay gurteen wadkii dili-lahaa .. Warki oo kooban ugu dambeyn Maxamed Siyaad wuxuu ku qancay Oraahdi ahayed: Wan Weyni ila la gawraco indhihiisa Cirka ma arkaan, sidaa darteed waxaa seefti lala helay general Salaad Gavere Kadiye .. Taasna waxay keentay in mudana-yaashi Saraakiishi Golaha Sare isla markiiba ay candhuuf-tooda dib u liqaan, balse baraarugeen oo indhihi si fiican u kala qaadeen, oo Cagihi dhulka laga qaaday dib loogu soo celiyey, oo la yiri Hayaay, Hayaay Bisinka Daad baa rogmadey oo Raja samirtay, oo Subxaana-laahi allow na badbaadi, iyo walle waa la iska daba yimi oo markaas cabsi awgeed la qaaday heeski ahaa Aabe Siyaadow noolow noolow 

Sidaas oo kale Korneyl Ismaaciil Cali Abukar, isagana Tuur intu isu yeelay ayuu Caro la sooyaamay, waana diiday in xilki loo magacaabay u dhaarto, wuxuuna isku xiray gurigiisa oo markaas ku yiilay Xeradi Xalane .. dabadeed Maxamed Siyaad ayaa noo diray aniga iyo sarkaal kale inaan u tagno oo u sheegno inu deg deg ugu yimaado xarunta Su u dhaarto, laakiin Ismaciil waa ka cududaartay inu yimaado, kadibna Maxamed Siyaad wuxuu u diray Axmed Saleman iyo Maxamed Cali Shire, oo ay saaxiib ahaayeen ..  wadahadal kadibna wuxuu ka ogalaaday labadaas sarkaal inu soo raaco ugu dambeyn-tiina wax la is yiraahda-ba xiligaas waa la heshiiyey   
                           Maxamed Calihashi " Ina Cadaawe" [email protected]