Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

Taariikh-yada Siraha Qufulan .. Waxaan Goob Joog Ka Ahaa Isku Shaandheynti Sadexad Ee U Sameeyey General Maxamed Siyaad .. Appointed July 12/ 1970

Friday - September 20, 2024





1- Maxamed Siyad Bare  .. Madaxweyne/ Mareexaan/ Galgaduud

2- Maxamed Xasan " Dottorino" Wasiirka Beeraha/ Reer Xamar/ Benadir

3- Maxamed Cali Samantar .. Wasiirka Difaca Iyo Taliyaha Xooga Dalka/ Tumal

4- Cabdirisak M. Abukar .. Wasiirka Tacliinta / Yonis Cumar/ Mudug

5- Ibrahim Meegaag Samantar .. Wasiirka Maaliyada/ Habar Awal/ W/G

6- Omar Carte Qaalib ..  Wasiirka A. Dibada/ Habar Awal/ W/G

7- Maxamed Aadan Shiikh .. Wasiirka Caafimaadka / Marexaan / Galgaduud

8- Ismaciil Cali Abukar ..  Wasiirka Warfaafinta  Iyo Hanuninta / Habar Jecel / WG

9- Shiikh Cabdiqani Sh. Axmed .. Wasiirka Dinta iyo Cadaalada / Ogadeen/Ogadenya

10- Saciid ibrahim Xaji Saciid .. Wasiirka Xanaanada / Siwaqron/  Bari

11-  Maxamed Buraale ismaciil .. Wasiirka Macdanta / Dhulbahante / Sool

12- Axmed Maxame Silaanyo .. Wasiirka Qorsheynta / Habar Jeclo/ Togdheer

13- CaliXaashi Sh. Xuseen .. Wasiirka Hawlaha Guud / Shiikhaal / Mudug

14- Xuseen Kulmiye Afrax ..  Wasiirka Arimaha Gudaha / Abgaal/ G/gaduud

15- Axmed Maxamud Farax .. Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha / Habar Awal/ W/G

16- Maxamed Warsame Kimiko .. Wasiirka isgaarsiinta iyo Gaadiidka/ Sacad/ Mudug

Akhristow, War la qabo xiiso ma leh sida halkaan kaaga muuqata, waxaa liiskaan isku shaandheynta wasiirada markaan ka maqan Rag marki hore wasiirada ka mid ahaa iyo kuwa cusub oo lagu soo kordhiyey .. Matalan waxaa meesha ka maqan General Qorsheel, General Caynaashe, General Salaad Gabeyre.

1- General Qorsheel ..  Waa la xiray kadib marki lagu soo eedeeyey inu damacsanaa shirqol lagu dili-lahaa xubno ka mida golaha sare, laakiin ugu dambeysti waa la soo daayey oo maba la keenin maxkamad

2- General Salaad Gabeyre isagana waxaa lagu soo eedeeyey inu dirir iyo afgambi u soo taf-xayti, isla markaana faraha kula jiray falal argagixiso, ugu dambeyna waa loo Xiiray

3- General Maxamed Ceynaashe isagana waxaa lala xiray Salaad Gabeyre oo ay isku kiis ahaayeen waana loo xiiray

4- Waxaa kalo meesha ka baxay wasiirada: Xasan Cali Mire .. Maxamed Geelle Dhurwaa ..  iyo Abdalla Aw Faarax oo isagu shakhsi ahaan jagada iska casilay, Hasa- Ahaate wasiirada cusub waxaa ka mid ahaa, Korneyl Axmed Maxamed Faarax "laxwas" iyo General Maxamed Cali Samantar oo Jagadiisi Taliyaha Xooga loogu daray wasiirka difaaca

Fiiro Gaara .. Walaalayaal, Ma Daama Wqtiga Waxaan Dhacayeen Ay Mar Hore Ahayed Ha La iga Raali noqdo haddi aan il-dufay amase wax aan khalday, waayo waxaan jooga xili ay xasuusta laga abaaroobi- jiray .. Salaama ka dheh iyo Todobaadka Dambe

 Qore: Mohamed Alihashi ( Ina Cadaawe) Mhashi1@hotmail .com