Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2024

ILaahay Hayna Waafajiyo Barakada Iyo Kheyrka Maalinta Jimcaha Inteena Nool Iyo Inteena Dhimatay .. Waa Qiso Kooban Oo Ka Hadleysa Barakada

Thursday - September 19, 2024





Wiil Arday ah, ayaa su'aal weydiiyey nin ka mida culimada la maamuuso, wuxuuna ku yiri: Shiikhow waxaan ognahay in hooyada Eyga ah ay guud ahaan dhasho 7- Cunug , halka u Ariga markiiba dhalo Hal, Labo illa Sadex , iyado haddana la ogyahay in Ariga intaa si joogta tira beel ah loo qalo, isla markaana u sii badanaayo, haddana saas oo ay tahay tirada Ariga iyo Eeyada waxaa markasta badan Ariga ee Shiikhow sirta meesha ku jirta maxay tahay

Shiikhi ayaa jawaabti la soo booday oo yiri: waa-taa Barakada lagu sheegaayo! .. Ardeygi ayaa su'aashi ku celiyey oo yiri: Shiikhow taa waan fahamay ee maxay Arigu barakada ku muteystay oo Eeyadu ku waayeen .. Shiikhi oo Jawaabay ayaa yiri : Sababtu waxaa weeyey Arigu fiidka hore ayuu seexdaa kadibna wuxuu soo kaca Fajarka hore, taaso keenta inu la kulmo waqtiga Raxmadu soo degto, halka Eeyadu ay iyagu Habeenki oo dhan soo jeed ku sawxmayan, kadibna ay seexdaan waagu marku feyto, taaso keenta iney gafaan xiliga liibaanta Raxmadu soo degto kuna waayaan Barakada iyo Kheyrka

Akhristow, Aroortu waa goor barakeysan, oo uu Nabigu u duceeyay Nabi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadaanee wuxuu yiri "Allow umaddeyda u barakeey kallahaadda"

Dhafarka iyo soo jeedka aan mira-dhalka ahayn wuxuu sababi karaa in ay qofka dhaafto salaadda subax oo uu waqtiga barakadu sidaas ku seego. Intaas waxaa sii dheer dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara dhafarka, ee ay dhaqaatiirtu ka digaan had iyo jeer