Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Doc-kasta Waxyela Ka Jira ..Israiil Oo Tuureysa Qunbulado Iyo Balo Ka Qiiqeysa .. Nasru-Laah O Isna Cadaabo Dabkood Tuuraya .. Netanyahu Kibirka U Baaqay Oo Dhagta Tagogada Gashaday Sidi Isago Tuug Ah

Monday - September 23, 2024





Wararka ka iimaanaaya xagaa iyo Lubnaan waxay sheegayaan in Diyaaradaha dagaalka israaiil ay si joogta ah duqeymo holac naareed tuurayaan, waxaana ka qeyb-qaatay inta badan diyaaradaha Israa’iil ee noocyada F-35s, F-16s, iyo F-15s kuwaaso naar daadinaaya, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Israa’iil oo sheegay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay gudaha Lubnaan ku leedahay Xisbullah.

Sidoo kale, Israa’iil waxay hab farriimo Telefoonka ay ugu dirtay iyo ciwitaan-ba ugu sheegtay dadka deggan koonfurta Lubnaan inay ka fogaadaan Aagaga ay ku badan-yihiin Xisbullah ee saldhig-yadooda hubka .. sida muuqata dagaalka hakaas ka socda wuxuu keeni doona in dagaalku u ku faafo guud ahaan bariga dhexe kadibna ay isku dhacaan dawladaha Quwadaha waaweyn 

Dhinaca kale waxaa la sheegaayo in ciidamada xisbulaah ay si daran-doori ah gantaalo ugu tuurayaan dhinaca israaiil oo halkaas sid la sheegaayo ay magaalooyin badan gantaladaas la dhaceen taaso keentay in dad badan oo ku noola dhinaca israaiil ay ku carareen guudaha caasimada Telabiib