Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Xikmada Sheekadaan .. Ninkii Wax Badan Damciya Dhamaan Ayuu Waaya

Wednesday - September 25, 2024



Waqti hore aan waqtigaan ahayn, waxaa si wada jir ah u wada noolaa nin ganacsade ah iyo xaaskiisa iyo caruur ay dhaleen .. Qoysku aad ayey noloshooda ugu raaxeysan-jireen, waxeyna lahaayeen Digaaagad qurux badan,.

Digaagadaas maalin kasta waxey dhali-jirtay Ukun Dahabi ah oo ay lacag badan ka heli jireen, laakiin ninka kuma uusan qanacsaneyn halka Ukunta ah ee uu maalin kasta helayo, balse waxa uu rabay in uu ukumaha oo dhan mar qura ka wada helo digaagadda, dabadeed Waxa uu ku fikiray sida ay arrintaan ku dhici lahyd, Isla markiiba waxaa ku so dhacday fikrad ah inuu Digaagada Gawraco si uu u helo Ukumaha Dahabiga ah oo dhan. 

Ninki Digaagaddii ayuu soo qabtay qoorta ayuuna ka jaray jirkeeda ayuuna baaray, laakiin waxa uu arkay dhiig socda oo keliya, dabadeed Aad ayuu u naxay sababtoo ah Hal Ukun xitaa ma uusan helin .. Ugu dambeystina noloshii qoyskana waxaa soo food saartay faqiirnimo iyo wax la'aan

Ujeedka Sheekadaan ..  Ninki Wax Badan Damciya Dhamaan Ayuu Waaya