Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Jimca Wanaagsan .. Qiso Ku Dayasho Mudan .. Sidee Nabigeena Maxamed SCW U ILaalin Jiray Qalbiga Iyo Muraalka Dadka

Thursday - September 26, 2024




Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa Nin maskiin ah wuxuu Hadiyad ahaan ugu keenay Nabiga SCW xirmo Canab ah, markaas ayuu Nabiga wuxuu goostay xabad ka mid ah Canabkii, wuuna cunay, 
haddana wuxuu goostay mid kale oo cunay, haddana mid kale ilaa Uu ka dhameeyay xirmadii Canabka ahayed!

Ninkii Maskiinka ahaa isagoo aad u faraxsan ayuu baxay! .. Asxaabtii la joogtay Nabiga SCW mid ka Mid ah ayaa ku yiri Nabiga SCW, Nabi alloow sidee baad u wada cuntay Canabka adigoo waxna naga siin?

Markaas Ayuu NabigaYiri: Canabka Uu Ninka i siiyay wuxuu ahaa mid aad u kharaar waxaanse diiday inaan wax idin ka siiyo, Oo waxaan ka baqay marka aad afka gelisaan wejigiinu badalmo, Oo aad sheegtaan ama aad dareensiisaan inuu Canabku yahay kharaar aan la cuni-karin, dabadeed uu markaa miskiinka niyad jab ku dhaco, sidaas darteed ayaan u wada cunay si aan farxad ugu muujiyo Oo Uusan murugoon niyada uga jebin Ninkaa Miskiinka Ah...

Nabigu CSW wuxuu had iyo jeer iyo markasta ilaalin jiray mooraalka dadka .. Akhristow Hadaad dhamaysatay qisadaan ku salli Nabigeena Mohammed SCW