Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Maqaleey War-laay Ma Lagu Waramay .. Xubno Ka Tirsan ILalada Kacaanka Iran Oo Loo Xiray Dilka Nasru-laah .. Geeridisa Geeri Kaliya Ma Aha Ee Waa Geeriyo Badan .. Booski U Ka Baxay Cid Ma Buuxin-karta

Thursday - October 3, 2024




Dilkii hoggaamiyihii Xisbu-llah Xasan Nasrallah kaddib markii u horeysay ayaa hadda la xaqiijiyay in la xiray xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran .. Waxaa kalo gudaha Iran ka socda baaritaan xooggan oo la sheegay in lagu baarayo xiriirka xubnaha ILaalada Kacaanka iyo Israa’iil.

ILo diblomaasiyadeed ayaa laga soo xigtay in si gaar ah loo beegsanayo xubnaha ay qoysas-kooda degan-yihiin meel ka baxsan Iran iyo kuwa u safray Lubnaan kaddib dilka Nasrallah.

Mid ka mid ah dadka la xiray ee ka tirsan saraakiisha ILaalada Kacaan Iran ayaa la sheegay inuu ku hawlanaa raadinta xogta Nasra-laah ka hor inta aan la dilay oo ay ku jirto goobta uu ku suganyahay iyo illaa muddada uu joogo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in hoggaamiyaha sare ee Iran Cali Khamenei uu isku dayay inuu badbaadiyo Nasra-llah balse waxaa la dilay hoggaamiyaha Xisbullah iyo wakiilkii Iran ee loo diray si uu uga dhaadhiciyo in uu u soo gaaro Iran.

Sidoo kale warbixinta ayaa sheegtay in hadda boqolaal ruux oo ka tirsan Xisbullah la xiray kuwaasoo ay ku jiraan xubnihii soo iibiyay nidaamkii isgaarsiinta Xisbullah ee la qarxiyay.