Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Wacdaradi Taariikhiga Iyo Guushi Muslimintu Ku Furatay Arladi Furs-iiraan .. Oraahdi Cajiibka Aheyd Ee U Ka Yiri Guushaas Amiirki Musliminta Cumar Bin Khidaab RC

Tuesday - October 8, 2024



Dagaalki iyo duulaanki islaamka ay ku qaadeen dalki boqrtooyadi Furs- Iraan" cagta cagta ayaa loo saaray oo guushi waxay raacday muslimiinti jihaadeysay .. Guushi kadib ma daama waqtigaas aysan jirin Halow-Halowga iyo Taarka, wuxuu Taliyihi ciidanka watay ee ku shuhuroobay geesinimo ee magaciisa la oran jira "Sacad Bin Waqaas" wuxuu Nin dhambaal-sida ah u soo diray Amiirki Muminiinta Cumar Bini Khidaab oo markaas ku sugnaa Magaalada Madiina .. Dhambaal-sidihi oo socdaal bilo iyo guure habeen la soo wir-wiray, wuxuu soo galay xarunti Amiirka Mumininta waxuuna u sheegay inu dhacay dagaal lagu hoobtay, laakiin Muslliminti ay ugu dambeyn guul ka gaareen dagaalkaas laguna dur-duriyey lagana dhigay wax la dilay iyo wax la baqo galiyey .. dhamaan Boqortooyadi Reer Furs waa la soo afjaray
 
 Amirki Mumininta Cumar Bin Khidaab markay dhagtiisa ku dhacday ereyga guusha isla markiiba wuxuu la dhacay Sujuud u Alle ku xamdinaayo, dabadeena wuxuu Saxaabigi dhambaalka waday weydiyey oo yiri: goormaa dagaalka la bilaabay goormaase u dhamaaday? Saxaabigi oo jawaabay ayaa yiri: Dagaalka waxaa la bilaabay Salaad-Duxada intaan la tugan, wuxuuna dhamaaday Salada Fajarka intaan la gaarin.

Amiirki Muumininta Cumar Bin Khdaab oo niyad kac awgeed indhiisa ilin ku soo joogsatay aadna u faraxsan ayaa yiri: Markasta iyo si kastaba Baadilka u Xoog badan-yahay, hadana kama macaasho Xaqa .. Waxaan nahay buu yiri: Ummad-Qoom aan ku guuleysan-karin tiro iyo hub kaliya, balse waxaan guusha ku helnaa dambiga iyo anshaxa xun oo aan ka fogaanay iyo fasahaada dunuubta cadawgeena, laakiin haddi labada dhinacba ay ka siman-yiin Badrada, balwada xun, fasaadka iyo danuubta, waxaa un guusha heli-kara kii markaas ku sareeya dhinaca cuduuda iyo tiro badnaanta.

 Rasuulku, Sala-laahu Calayhi Wa-sallam, wuxuu u duceeyey Sacad, wuxuuna yiri: Ilaahayow Sacad Bin Waqaas u ajiib waxa uu ku waydiisto, sidaas ayuuna Sacad ku ahaa mid ducadiisa Rabbi Ajiibo oo duco kasta oo uu Allaah waydiisto waxay ahaan jirtay mid Maqbuul ah.

hits Hits : 1534