Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 15 October 2024

Jimca Wanaagsan, Jimco Barakeysan .. Silsiladi Taariikhda Islaamka .. Ducadi Ninka Reer Miyiga La Yaabka Laheyd Ee Amiirki Musllimiinta Cumar Bin Khidaab La Ooyey

Thursday - October 10, 2024



Maalin-Maalmaha ka mida Amiirki Mu'miniinta Cumar Bin Khidaab, ayaa soo siyaartay Qabrigi Nabiga Maxamed SCW, wuxuuna halki ku arkay Oday reer Miyi ah oo qabriga dushiisa ku ducynaaya, dabadeed Cumar Bin Khdaab oo ninkaa indho qoroto ku eegaya ayaa dhagta u dhigay sida mucjsada ah oo ninkaas u duceysanaya, Ducadaas oo sidaan ahayed:

Allahayow, waxaan ahay xabiibkaa, waxaan ahay Adoon-kaaga, Sheydaankuna waa Cadawo.. Rabiyow adoon daciif ah baan ahay oo qaldama, Ee iga cafi dambiga aan ku falay aduunka dushiisa .. Rabiyow hadaad i cafiso adoonkaaga wuxuu helaya nolol farxad leh oo aad raali ka tahay, haddiise aadan i cafin waa i Murug iyo Tiiraanyo, isla markaana waxaa ku farxaya cadawga sheydaanka .. Rabow dhaqanka qabaaiilka Carabta haddu hogaankooda ama Shiikhooda dhinto waxaa u caado ah iney qabriga korkiisa ku xoreeyaan Adoomaha " Cabiidooda" ay haystaan, kanse maanta aan kor taaganahay waa Qabrigi Saydki Caalamka ee Yaa Rabi Caalamiinow markaad i Oofsato Naxariis-taada igu Gee janooyin-kaaga igana xoree naarta la isku agoogaayo 

Kadib Cumar Bin Khidaab oo ducadi ninki reer Miyiga ahaa wanaageeda ka faaiideystay min bilowgi illa dhamaadki dhageystay ayaa si Cod dheer markiiba ku yiri: Maa-Shaa Allaah, Maa-Sha Allaah, Aamiin Aamiin ..  ilaahay sahay ha kaaga yeelo cabsidiisa, hana ku kordhiyo Taqwo, dambigaagana ha dhaafo oo qabriga allaha ku nuuriyo ..  Allahayow Daaim baa tahay, Waxaan anigana Kugu Baryaya Ducada Ninkaas kugu baryey ee Alahayow ducada naga ajiib deeqsi baa tahay, ayuu ku khatimay