Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 October 2024

Madaxweyne KU Xigeenki Kenya Rigathi Gachagua Oo Dadki Kenya Reer-Reer Ka Dhigay, Kuna Baaqay Reerka Somali In La Moora-duugo Oo Markaan Eersaday Falaadkiisa .. Nabsiga Haya Raqdiisa Waraaba Cunin

Wednesday - October 16, 2024




Nairobi- Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa talaadadii shalay diidday codsi ay qareennada madaxweyne ku xigeenka Kenya ku doonayeen in Golaha Senate-ka laga joojiyo ka doodista mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah isaga kadib markii baarlamaanka uu u codeeyay in xilka laga qaado todobaadkii hore .. Madxweyne ku xikeenaka waxa lagu soo eedeyey waxaa ka mida dadki oo u reer ka dhigay, isla markaana wixii danta guud Rig-rigay .. wuxuu isu xuurteeyey inu dabino daadiyo somalida kenya la dhaco, la laayo

Garsoorah la yiraahdo, Chacha Mwita ayaa go'aamiyay in baarlamaanka loo ogolaan doono in uu sii wato waajibaadkiisa dastuuriga ah, maxkamadduna aysan "faragelin doonin."

 Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka Mr. Rigathi Gachagua ayaa waxaa baarlamaanka ku ansixiyay 281-44 cod usbuucii hore, waxaana loo gudbiyay Aqalka Senate-ka, kaasoo bilaabanaya maantaba. Gachagua ayaa wajahaya xil ka qaadis ka dhan ah musuq maasuq iyo wax is daba marin kale, oo ay ku jiraan eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inuu taageeray mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday bishii June iyo baaqiisi ahaa in somalida la dhaco, hasa ahaate waa uu diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay.

 Sida uu qabo dastuurka Kenya, xil ka qaadista ayaa ah mid toos ah haddii ay ansixiyaan labada aqal, in kasta oo Mr. Gachagua uu ka doodi karo tallaabada maxkamadda, wax uu sheegay inuu sameyn doono.